Nolosha Ax'ed Madoobe oo la xaqiijiyay iyo Warar kale

0
Thursday September 12, 2013 - 15:55:31 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 731
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nolosha Ax'ed Madoobe oo la xaqiijiyay iyo Warar kale

    Qarax ismiidaamin ah ayaa maanta lagula beegsaday madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubba koloonyo uu la socday oo ka soo gelbisay Airportka, Goobta qaraxa lagula eegtay Bartamaha Magaalada Xaafada Farjano Aargada horteeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax ismiidaamin ah ayaa maanta lagula beegsaday madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubba koloonyo uu la socday oo ka soo gelbisay Airportka, Goobta qaraxa lagula eegtay Bartamaha Magaalada Xaafada Farjano Aargada horteeda.
 Gaari qaraxya lagu sii diyaariyay oo la rumeysan yahay in si qarsoodi ah magaalada lagu soo geliyay isla Markaasina lagu qarinayay Gurya dhexdooda ayaa si toos ah dhanka daaqada uga dhuftay Gaariga Axmed Madoobe uu saarnaa oo ahaa Bartilmaameedka . Gaariga uu saarnaa Mudane Axmed Madoobe ayaa la tilmaamay inuu ahaa kuwa aan xabada karin, daaqadaha unbaa burburay cagahana waa uu ka banjaray wax kale ma soo gaarin.

Ilo kusugan Aqalka Axmed Madoobe ayaa xaqiijiyay in  aad u fiican wuuna ka badbaaday shirqoolka loo soo maleegay ee lagu doonayay in lagu qaarajiyo ,hasa yeeshe waxey qireen in dhaawac  firir yaryar uu soo  gaaray.

Qaraxa qasaaro farabadan oo culus ayaa ka dhashay waxaana ku le’day dad shacab ah goobta ka agdhawaa iyo waliba Ciidamada amaanka ee ilaalada ahaa.

Waxaa jira qasaara soo gaaray Gaari caasi ah oo isaguna meesha marayay. Dadka geeriyooday waxaa laga magacaabay Maxamed Deeq maxamuud Heybe. Wali waxaa socdaa Baaritaan iyo lamana oga khasaaraha dhabta ah. Sidoo kale isgaarsiinta magaalada ayaa hawada ka maqan.

Warar faahfaahsan gadaal ayaa idiinka soo gudbin doonaa insha allah.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip