Xildhibaano xagal daaciyay xubin muhiim ah (Faallo)

0
Wednesday September 18, 2013 - 18:06:44 in Wararka by
  • Visits: 1554
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaano xagal daaciyay xubin muhiim ah (Faallo)

    Xubnaha xildhibaanada Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliyeed Dhamaan waxa ay wakiil ka yihiin umadda Soomaaliyeed, sigaarna Xildhibaan waliba waxa wakiil gaar ah u yahay beeshiisa ileyn awalba awoodda beesha ayuu ku yimid kursiga xildhibaaneed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xubnaha xildhibaanada Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliyeed Dhamaan waxa ay wakiil ka yihiin umadda Soomaaliyeed, sigaarna Xildhibaan waliba waxa wakiil gaar ah u yahay beeshiisa ileyn awalba awoodda beesha ayuu ku yimid kursiga xildhibaaneed ee uu ku fadhiyo, xubintiisa waxaana soo xullay mid ka mid ah oday dhaqameedka beesha uu ka soo jeeddo.
Hadaba ladabii bilood ee lasoo dhaafay Xildhibaanadda waxa ay ku jireen fasax, waxaana jirtay in xildhibaan waliba fasaxaas kaga faaidaynayay oo uu kormeer ku tagayay deegaanada ay kasoo jeeddaan, sida lagu ballamay kala fadhigiii ugu danbeeyay ee ay yeesheen si loogu dhageeysto xildhibaan walba waxa uu kala soo kulmay deegaankiisa marka uu la isku soo laabto si loo ogaado xaallada dhabta ah ee ka jirta gobolladda kala duwan ee Soomaaliyeed.

Waxaa jiray xoldhibaano si aad ah loogu soo dhaweeyay deeganadoodda kuna soo caano cabay goboladdoodda loona ari’ qallay, si diirana loogu soo dhoweeyay deeganadoodi lana soo kulmay dhamaan bulshadda qeybaheedda kala duwan ee deeganadda ay kasoo jeedan islamarkaana kasoo xog aruuriyay wixii ay ka tabanayaan Dolwdallada Federaalka, wallow kuwa qaar oo jeclaa ay san daruufta u saamixin taasoo u wacneyd in deegaanada ay kaoo jeeddaan ay wali dowlada ka talin sidaas awgeed ay naftoodda la baqeen.

Iyadoo ay taasi jirtay ayaa waxaa ayaan daro noqotay xildhibaano awooday in ay booqdaan gobollada ay ka soo jeedaan oo aan booqan, waxaana ka mid ahaa xildhibaanadaasi xildhibaadda kasoo jeeda Beesha Hubeer oo aan intooduba booqan Gobollada ay kasoo jeedaan arintan ayaa amakaak ku noqotay Beesha maadaama ay sugayeen xildhibaanaddoodi si ay warbixin u siiyaan oo ay xildhibaanadoodi ugu waramaan xaalladaha dhabta ah ee ka jirta deegaanadoodii.

Arintan ayaa ah masuuliyad daro ay ku dhaqaaqeen xildhibaanadaasi waayo xildhibaan walba waxa uu wakiil ka yahay beeshiisii sida aan hore usoo sheegayba waxaana waajib ku ah inuu kasoo warbixiyo bulshada deegaanka waxa ay tabanayaan & waxa ay usoo jeedinayaa Dowlada iyagoo fariinta usoo marinaya u marinaya Xildhibaankoodda.

Ma ahan markii ugu horeysay ay Xildhibaanada kasoo jeeda beesha Hubeer ay masuuliyad daradan ku dhaqaqaan waxaana jirtay marar badan oo aysan deeeganadoda inay kasoo warbixiyaan iska daayee xitaa aysan war ka hayn sida ay ku sugan yihiin Bulshadooda.

Xildhibaanadan ayaa xilalka xildhibanada hayay dhowrarkii sano ee ugu danbeeyay iyagoo dowladiihii hore ee kumeel gaar ahaa kasoo wada ahaa xildhibaan, waxaa jirta in ay si musuq maasuq ah markasta ay kursiga ku fariistaan iyagoo haadaha ay doorashooyinka soo dhowaato jeebka u buuxiya odayaal ay si gaar ah u afgartaan oo ay lacago fara badan ku indho sarcaadiyaan si cidkale uusan u magacaabin.

Intaa waxaa sii dheer in xildhibaanadani matala Beesha Hubeer aysan waligood hal ceel ka qodin deegandoodi waxaana ay ku mashquulsan yihiin sanad walba danahoodda gaarka ah, mana jiro

xildhibaan qiimeeya beeshiisa waxa ayna albaabada ka xirtaan odayaashoodi dhaqanka mana xushmeeyaan.

Ugu danbeyntii waxaan fariin u dirayaa Xubnaha sar sare ee dowladda waxaana u sheegayaa in aan ka cabanayno xildhibaanadan, waxaana qorshaynaynaa inaan abaabulno banaan bax ka dhan ah xildhibaanadan oo aan fulin danta beeshoodda ay kursiga ugu fadhiyaan iyagoo had & jeer dano gaar ah ka door bida danta beesha.

Waxaa Qoray Asad Abukar Ali (Asad Dhayow)

Mogadishu-Somalia

Email asaddhayow@gmail.com
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip