RW, Rooble oo markale helay fursad siyaasad oo muhiim ah (Xog)

0
Friday May 07, 2021 - 13:34:07 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 599
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RW, Rooble oo markale helay fursad siyaasad oo muhiim ah (Xog)

    – Ra'iisal wasaaraha xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhawaan kulan la qaatay beesha caalamka, kaasi oo looga hadlayey arrimaha doorashooyinka iyo is-bedelka siyaasadeed ee dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

– Ra'iisal wasaaraha xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhawaan kulan la qaatay beesha caalamka, kaasi oo looga hadlayey arrimaha doorashooyinka iyo is-bedelka siyaasadeed ee dalka.

Sii-hayaha Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yusuf Al-Caddaala oo wareysi siiyay idaacada VOA-da ayaa sheegay in beesha caalamka ay ra’iisal wasaare ku taageerayaan mas’uuliyada doorashada ee uu la wareegay.

Al-Caddaala ayaa xusay in beesha caalamka ay gacan weyn ka siinayaan xukuumadda ra’iisal wasaaraha si looga miro-dhaliyo doorasho wadar ogol ah oo dalka ka dhacda, maadama uu yahay mas’uulka u sarreeya ee loo igmaday doorashooyinada iyo amnigeeda.

"Kulanka uu ra’iisal wasaaraha la yeeshay beesha caalamka waxa uu ahaa sidii ay B/caalamka ugu taageeri laheyd qabashada doorashadii ay dadka ka wada-sugayeen iyo sugida amniga dalka, balan-qaad wanaagsan ayey u sameeyen, weyna garab istaagsan yihiin dadaalka ra’iisal wasaaraha,” ayuu yiri.


Wasiir ku-xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in wakiilada beesha caalamka ay u ballan-qaadeen inay kala shaqeynayaan qabashada doorashada, xili uu dhawaan shaaciyey in shirweyne looga arrinsanayo khilaafka doorashada la iskugu imaado 20-ka bishaan.

Beesha caalamka oo si weyn uga soo horjeeday muddo kororsigii fashilmay ee loo sameeyay madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ayaa soo dhaweysay tallaabadii lagu laalay qaraarkii golaha shacabka, waxayna dadaal badan ku bixineysa sidii Rooble loogu taageeri lahaa isku keenida dhinacyada is-haya, si heshiis kama dambey ah looga gaaro khilaafka doorashada.

Xiisada doorashada ayaa bishii hore gaartay meel aad u sarreysa oo gacan ka hadal ah, hase yeeshe tan iyo markii laga laabtay muddo kororsigii loo sameeyo Farmaajo waxaa soo dhawaaneysa rajada laga qabo in heshiis laga gaaro hanaanka doorashada.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip