Ilmaha lagu ag cabo Sigaarka waxa ay kaqaadaan cudurka ADHD
Sida la wada ogyahay ee ah in uu cabitaanka sigaarku dhib badan leeyahay ayaa hadana waxa soo baxaya dhibaabooyin aan hore loo ogayn oo lug ku yeesha horumarka iyo deganaanshaha ilmoha.
Sida la wada ogyahay ee ah in uu cabitaanka sigaarku dhib badan leeyahay ayaa hadana waxa soo baxaya dhibaabooyin aan hore loo ogayn oo lug ku yeesha horumarka iyo deganaanshaha ilmoha. Cilmi baadhis dhawaan lagu sameeyay wadanka Maraykanka ayaa waxa lagu ogaaday in sigaarka lagu ag cabo caruurta uu lug ku yeesho xanuurnka ku dhaca caruurta ee la yiraa "ADHD” (Attention deficit hyperactivity disorder).
Sida dhawaan maqaal lagu soo daabacay jariidad ka soo baxda wadanka Sweden oo la yiraahdo Express ku xusan tahay cilmibaadhitaan lagu sameeyay wadanka Maraykanka oo lagu ogaaday in caruurta ku kora meel sigaar lagu cabayo ay noqdaan kuwa ay ku adag tahay waxbarashadu, dhaqankooduna wanaagsanayn.
Baadhitaanka ayaa waxa lagu sameeyay caruur tiradoodu dhan tahay 55 000 oo da’doodu ka yar tahay 12 jir. Caruurtan ayaa boqolkiiba 6% waxa ay la nool yihiin ugu yaraan hal qof oo sigaar caba, kuwaas oo intooda badan lagu arkay cudurka ADHD marka loo eego caruurta ku kora meel aan sigaar lagu cabin. Waliba caruurtan la nool dadka sigaarka caba ayaa inta badan dhibku ka soo gaadhaa marka ay ku jiraan uurka.
xigasho: expressen.se