Beesha Mudullood oo Sweden kaga dhawaqday Urur (Sawiro)

0
Sunday September 22, 2013 - 19:16:18 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 14396
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha Mudullood oo Sweden kaga dhawaqday Urur (Sawiro)

    Axad, 22 September 2013—Shirweyne aad u ballaaran oo ay ka qeybgaleen dad aad u badan oo ka soo jeeda Beesha Mudullood ayaa shalay lagu qabtay Magaalada Örebro ee dalka Sweden, iyadoo gunaanadkii shirkana lagu sameeyay Urur ka shaqeyn doon

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axad, 22 September 2013—Shirweyne aad u ballaaran oo ay ka qeybgaleen dad aad u badan oo ka soo jeeda Beesha Mudullood ayaa shalay lagu qabtay Magaalada Örebro ee dalka Sweden, iyadoo gunaanadkii shirkana lagu sameeyay Urur ka shaqeyn doona horumarinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan deegaannada ay beeshu degto.
Shirweynaha ayaa wuxuu soo af-meeray shirar in muddo ah soo socday oo looga arrinsinayay sidii ay beesha Mudullood ku yeelan lahayd hoggaan ka shaqeeya horuminta deegaannadeeda oo ah kuwa ugu muhiimsan Soomaaliya, marka la hadlo kheyraadka bad iyo birriba.

Ururka Shirweynaha looga dhaweeyay ee ay beesha yeelatay ayaa wuxuu magaciisu yahay ASAL, waxayna guddigii ka soo shaqeeyay sameynta ururka ay sheegeen in ay magaca ASAL u qaateen sabab la xiriirta in beesha Mudullood ay asal u tahay Soomaalida oo dhan, marka taariikhda dib loo eegana la heli karo wax badan oo caddeynaya in ay beeshu ASAL u tahay Soomaalida oo dhan.

Howl kasta oo najaxda Allaah SWT ka sokow waxaa loo tirayaa dad, sidaas darteed ayaa shirweynaha lagu soo bandhigay magacyada dadkii ka soo shaqeeyay dhismaha Ururkan, kuwaasi oo in muddo ah ku howlanaa, waxaana xubnahaas ka mid ah: Axmed Maxmed Calasow, C/llaahi Muuse Xuseen, Dr. Cali Axmed Hiraabe, Prof. C/llaahi Axmed Qudde, Xasan Muuse Cali (Qoslaaye), Xuseen Maxamed Cabdulle (Wadaad), Ibraahim Qalinle iyo xubno kale oo iyana bud-dhigga ururka qeyb weyn ka qaatay.

Ergooyinkii shirweynaha ka qeybgalay oo ka kala yimid magaalooyin kala duwan oo dalka Sweden ka tirsan ayaa waxaa loo bandhigay magaca Ururka iyo dastuurkiisa, kaddibna waxay si saraaxad leh uga doodeen qodobbo ku jira dastuurka ururka oo qaarkood iftiimin u baahnaayeen, ugu dambeyntiina waxaa la ansixiyay dastuurka ururka, iyadoo ergooyinka dhammaantood ay ku dhaarteen in ay meelmarin doonaan hadafyada uu ururka tiigsanayo oo ay ugu weyn yihiin in uu wax ka qabto dhibaatooyinka siyaaso-dhaqan-dhaqaale iyo kuwa bulsho ee ka jirta deegaannada ay degaan dadka beesha mudullood laga soo billaabo Galgaduud illaa Shabeelaha Hoose.

Waxaa xusid mudan in ergooyinka ay ansixiyeen in Ururka uu yeelan doono 59 xubnood oo isugu jira 18 xubnood oo gole dhexe ah iyo 13 xubnood guddiga fulinta ah, 25 xubnood oo marjic ah iyo 3 xubnood oo hanti-dhowr ah. Mas’uuliyiinta ururka ayaa waxaa ay xilka heyn doonaan muddo 2 sanadood ah, iyadood sanad kasta marka uu dhammaadana la qaban doono shir sanadeedka ururka.

Waxaa intii uu shirka socday ka hadlay mas’uuliyiin kala duwan, sida Shiikh C/raxmaan Shiikh Muxyaddiin Celi oo isagu noqday qofkii ugu horreeyay oo caddeeyay inuu ururka ka mid yahay, isla markaana uu si daacad ah ugu adeegi doono bulshadiisa. Shiikh C/raxmaan wuxuu mahadceliyay dadka deggan magaalada Örebro ee fidiyay gogosha shirka lagu qabtay, weligoodna horay u qaban jiray, kaddibna wuxuu hoosta ka xariiqay in uu si weyn ugu faraxsan yahay in la dhisay urur ay leeyihiin dadka beesha Mudullood, kaasi oo magaciisu asal yahay, wuxuuna ururka u rajeeyay guul iyo horumar.

Waxaa kale oo shirka C/llaahi Muuse Xuseen (Duqii hore ee magaalada Muqdisho), wuxuuna si faahfaahsan uga warramaya dhibaatooyinka ay beesha qabtay laga soo billaabo markii xornimada la qaatay illaa maanta oo deegaannada beesha dhibaatooyin baaxad leh ay ka jiraan, kuwaasi oo isagu jira kuwo amni iyo kuwo bulsho.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in qaar ka mid ah ergooyinkii shirka ka soo qeybgalay ee magaalooyinka kala duwan ka yimid ay iyaguna soo jeediyeen hadallo ay ku taageerayeen ururka, iyagoo ballanqaaday in ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin ururka ASAL ee ay sameysatay Beesha Mudullood. Ururka Asal ayaa lagu baahin doonaa shanta qaaradood ee Adduunka oo ay ku kala baahsan yihiin dadka beesha Mudullood.

Ugu dambeyntiina Guddiga fulinta ee Ururka ayaa waxaa loo dhisay qaabkan.

Hassan Qoslaaye Guddoomiye
Asha Omar Guddoomiye kuxigeen
Ibrahim Nur Xoghaye guud
Ali Abuukar Qasnaji

Xoghayayaal

1. Abdullahi Hasaan Moalim
2. Baarlin Mohamud Adawe
3. Ismail Mohamud Shire
4. Muktar Mohamed Yusuf
5. A/samad Shiiq
6. Ise Yuusuf Nuur
7. Guuleed Cali Sabriye
8. Abdulqadir Muhumad Ahmed
9. Abas Ibrahim

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip