Guud ahaan Tv-yada laga leeyahay Dalka Talyaaniga ayaa waxa ee tan iyo habeenki xalay sitoos ah usii deenayaan doodo la xiriiro mashaqadi kadhacday xeebta Lama Duuse halkaasi oo dooni siday kudhawaad shan boqol oo qof ee ku gubatay. Doodaha Tvyada deenayaan kasukow ayaa waxa bar bar socota baroor diiqyo dadka reer Italy usameenayaan tahrbiibayaashaasi ubadan Soomaaliya iyo Eriteriya ee ku maashoobay Xeebaha dalka Talyaaniga. xili ee wax ka yar 1Km ujireen Marsada Lamaduusa.
Tifaftiraha shabakada Warsheekh oo xiligaani kusugan dalka Talyaaniga ayaa kusoo waramaya in guud ahaan dalka talaaniga hadal heenta ugu weyn ee tahay sababta ciidanka bada dalka Talyaaniga ubad baadin waayeen,
Maxamud Cigale ayaa dhanka kale waxa uu dhaliil usoo jeediyay Tv-yada Soomaalida iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed oo dhankooda ka gaabiyay jawaab celinta ee arintaan ka sameeyeen xili ee warbaahinta reer galbeedka dhabarka uxiratay kahadalka mashaqadaani,
"Xalay ilaaa Maantay dhan Talyaaniga Murugo ayaa kajirta waxaana Tv .kasta kasocota Dood kusaabsan sababta loo badbaadin waayay dad gaaraya 500 oo qof oo afrikaan ah oo ubadan Somali iyo Erateriyaan oo in kayar hal Km meel ujirta Jasiirada Lampadisa dooni kula gubatay", ayuu yiri Mr Cigale.
Tifaftiraha ayaa yiri mar uu tusaaleenayay dareenka dadka reer talyaani ee arintaan ka muujiyeen : ",Maaantay Talyaaniga waa laga baroodiiqayaaa Laakin waxaan isweydiiyay Somalidu maba ka murugeesna miyaa waayo Tv yada somalida maba soo hadal qadayaan boqolaalka somalida ah ee maantay meydadkoodu dhoobanyihiin lampadusa".
Tv-yada Talyaaniga oo baahinayo Wararka Dhimashada Tahriibayaasha & Kuwa Somalida oo aan kahadlin
Guud ahaan Tv-yada laga leeyahay Dalka Talyaaniga ayaa waxa ee tan iyo habeenki xalay sitoos ah usii deenayaan doodo la xiriiro mashaqadi kadhacday xeebta Lama Duuse halkaasi oo dooni siday kudhawaad shan boqol oo qof ee ku gubatay.