U roonow gacmahaaga, "Daraasad kuwajahan Qurba joogta"

0
Monday October 07, 2013 - 06:38:20 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2162
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    U roonow gacmahaaga, "Daraasad kuwajahan Qurba joogta"

    Shacabka soomaaliyeed ee u soo qaxay qurbaha ayaa waxa ay ku kala nool yihiin meelo kala duwan. Qaar ayaa joogaa meelo aad u kulul halka qaar kalan ay ku nool yihiin meelo qabow. Hadaba hablaha soomaaliyeed ee degan qurbaha, siiba meelaha qabow ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shacabka soomaaliyeed ee u soo qaxay qurbaha ayaa waxa ay ku kala nool yihiin meelo kala duwan. Qaar ayaa joogaa meelo aad u kulul halka qaar kalan ay ku nool yihiin meelo qabow. Hadaba hablaha soomaaliyeed ee degan qurbaha, siiba meelaha qabow ayaa waxa ay la kulmeen jawi iyo cimilo ka duwan tii wadankoodii. Meelaha qabowgu ka dhacayo ayaa waxa dabaysha qabow ee ka dhacdaa qalajisaa gacmaha. Dabaylaha qabow ee ka dhacaya banaanka wadamada qabowgu ka jiro iyo hawada qalalan ee guryaha ku dhex jirta ayaa keenta gacmaha oo qalala. Waliba xiliga qabowgu jiro oo uu badan yahay hargabka ku dhaca dadka ayaa waxa aad loo adeegsadaa isbiriit-ka gacmaha lagu dhaqdo si loo ilaaliyo nadaafada, loogana hortago in aanu fidin cudurka hargabka. Isticmaalka isbiriit-kuna waxa uu keenayaa gacmaha oo qalayl ku dhacayo. Laakiin waxa jira dhowr hab oo aad uga hor tagi karto in gacmahu ku qalalaan, noqonayaana kuwo qurux badan oo jilicsan.

Waxa muhiim ah in marka aad gacmaha iska dhaqaysid aad adeegsato saabuun, ama kareemada saabuunta ah ee khafiifka ah, ogow in biyaha diiranina ama qandaca ahi ay ka fiican yihiin kuwa kulul ee gacmaha qalajinayo.

Marka aad xalayso weelka gasho gacmahaaga golofs-yada loogu talagalay marka weelka la xalayo si aad si aad uga badbaadid dawada weelka lagu xalo oo aad ugu daran gacmaha.

Markasta oo aad u baxayso banaanka gasho gacmaha golofisyada laga gashto qabowga.
Marka aad joogto banaanka ee aad ku hadlayso telefoonka, aad gacanta ku hayso koob kulul oo aad shaah ama kafee ku cabayso gasho gacmaha golofisyada dhaxanta kaa celinaya.

Waxa aad caado ka dhigataa in aad had iyo jeer marsato gacmaha kareem ay ku badan tahay duxdu, aan lahayn barafuum. Si uu u noqdo kareemku mid faa’iido keena waa in aad gacmaha ka goysaa wasakhda iyo maqaark qalaylka ah laba ilaa seddex jeer asbuucii ama sida aad u aragto in aad ugu baahan tahay.

Hadii aad leedahay gacmo markasta aad u qalalan oo safan (dil dilaacsan) ayaa waxa ku caawin kara adiga oo mariya kareem ay duxdu ku badan tahay, galiya gacmahana golofis-ka la isaga celiyo oo khafiif ah, kan samaysan cudbi. Kuna seexo habeenkii si uu kareemku u noqdo mid shaqaynaya.

Safiya Ahmed
Ladaneey Magazine

Adiguna ilaasho quruxdaada
Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku soo qori kartid rayigaaga.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip