Goormee Caruurtaada guriga uga tagi kartaa? (Fariin Waalidiinta kunool Qurbaha)

0
Saturday March 05, 2016 - 01:03:31 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2074
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goormee Caruurtaada guriga uga tagi kartaa? (Fariin Waalidiinta kunool Qurbaha)

    Adiga ayaa caruurtaada iyo qaangaadhkaaga da'da yar ka yaqaana cid kasta. Haddana waxa wali dhib noqon karta in la garto goorta ay diyaar u yihiin inay qaadaan mas'uuliyad cusub oo muhiim ah sida guriga oo ay kaligood joogaan. Marka aad ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Adiga ayaa caruurtaada iyo qaangaadhkaaga da'da yar ka yaqaana cid kasta. Haddana waxa wali dhib noqon karta in la garto goorta ay diyaar u yihiin inay qaadaan mas'uuliyad cusub oo muhiim ah sida guriga oo ay kaligood joogaan. Marka aad ka fiirsanaysid go'aankan xusuuso inaad macluumaadka iyo su'aalaha halkan lagu bixiyay u isticmaashid kaliya si ah tilmaan. Waa muhiim inaad kuwaas u fiirsatid adiga oo raacinaya wixii kale ee aad ka taqaanid ilmahaaga iyo waxa ilmahaagu kaaga sheego kalsoonidiisa inuu kaligii joogo guriga.


Hay’adaha adeegyada bulshada ee degmadu waxay guud ahaan ku taliyaan inaan caruurta ka yar 12 sanno aan kaligood lagaga tagin guriga. Ka hor inta aan caruur ka yar 12 sanno lagaga tagin guriga, waa inay waalidku si taxadir leh uga fiirsadaan ikhtiyaaradooda iyo awoodaha ilmahooda. Sidoo kale waa in waalidka si taxadir leh uga fikiraan inay caruurtooda ku jira sannadaha ugu horeeya ee tobaneeyo-jirnimada kaga tagaan guriga kaligood. Fiirin soke oo lagu sameeyo sida caruurtu ugu diyaar yihiin inay kaligood joogaan waxa ku xiga kara hadal furan oo lala yeesho caruurta oo ku saabsan mas’uuliyadda ka imanaysa guriga oo ay kaligood joogaan.

Fadlan la soco in barnaamijyada sii-haynta ilmaha da’da dugsiga oo qora caruurta iyo dhallinta ilaa da’da 12 sannadood laga yaabo in laga helo xaafaddaada. Si aad u hesid macluumaad dheeraad ah, la xidhiidhhay’adda Illaha & Gudbinta Daryeelka Sii-haynta Ilmaha (Child Care Resource & Referral agency) ee degmadaada. Fadlan sidoo kale taariikh-qorka waxbarashada beesha ama xaafadda ee degmadaada ka fiiri fasalo ku saabsan marka kali guriga lagu yahay iyo adeegyo iyo firfircooni dheeraad ah oo loogu talogalay caruurta ah da’da dugsiga iyo dhallinta.

Liiska Hubinta ee Marka Kali Guriga Lagu Yahay

Fadlan isticmaal liiska hubinta ee hoose marka aad ka fiirsanaysid in ilmahaagu diyaar u yahay inuu kaligii joogo guriga. Su’aalaha aanad hubin sida looga jawaabo ama kuwa aad kaga jawaabtid "maya” waxay farta ku fiiqi karaan aagag u baahan inaad wada-hadal ama qorshe kala sameysid qoyskaaga.

Mid goobo/wareeg kali:

Ilmahaagu ma yaqaanaa goorta iyo sida loo waco 9-1-1? Ilmahaagu ma sheegi karaa oo ma garaaci karaa lambarka teleefonkaaga guriga ama ma yaqaanaa adreeskaaga guriga?

Haa

Maya

Ilmahaagu ma yaqaana gargaarka koowaad ee aasaasiga ah iyo meesha ay yaalaan alaabta gargaarka koowaad gudaha gurigaaga?

Haa

Maya

Ilmahaagu ma ku tusi karaa sida taxadir leh ee ay u garan karaan ama u cadeyn karaan qof yimid albaabka marka ay kaligood joogaan guriga?

Haa

Maya

Ilmahaagu ma yaqaana sida laguula soo xidhiidho ama loola xidhiidho dad waaweyn oo kale oo mas’uul ah? Liiska lambarada teleefon ee muhiim ah iyo kuwa degdegga ma kuu yaalaan meel u dhow teleefonka oo uu gaadhi karo ilmahaagu?

Haa

Maya

Ilmahaagu ma sheegi karaa shan xeer oo ah ammaanka guriga oo u degsan gurigaaga? (Tusaale ahaan, isticmaalka shoolada ama maykrowayfka, sida loo qabto alaab la keenay, ama urta gaas oo laga uriyo gudaha guriga.)

Haa

Maya

Ilmahaagu xiise ma u muujiyay inuu kaligii joogo guriga? Ilmahaagu ma dareemaya ammaan haddii uu kaligii joogo guriga? Tan tijaabi adiga oo "tababarid” u sameynaya caruurta adiga oo wali jooga guriga. Matalaad samee oo ka hadal dhawr xaaladood oo dhib leh oo laga yaabo inay soo baxaan marka ilmuhu kaligood joogaan.

Haa

Maya

Ilmahaagu ma kuu sheegi doonaan haddii markii ay kaligood joogeen guriga uu dhacay wax si uun u cabsi galiyay?

Haa

Maya

Ma sameysay qorshe loogu talogalay maalinta ilmahaaga ama wakhtiga uu joogo guriga? Tusaale ahaan, ilmahaaga ma u yaalaa xoogaa ah shaqo guri ama hawlo guri oo uu qabto inta uu joogo guriga? Ilmahaagu ma dejin karaa hadaf ah akhriska dhawr cutub oo ku yaala buug u jecel yahay ama inuu ka shaqeeyo mashruuc abuuris leh? Marka aad u sameynaysid qorshe ah maalinta, xusuuso inaad xisaabta ku dartid wakhti ah maaweelo.

Haa

Maya

Macluumaadkan waxa sidoo kale lagu heli karaa qaab ahqoraal yar oo la daabici karo (English).

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip