Muslimiinta kunool Nairobi oo siweyn isugu soo baxay dabaal dega Xuska Dhalashada Nabiga (NNKH) 'Sawiro'

0
Sunday December 27, 2015 - 21:58:25 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2466
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muslimiinta kunool Nairobi oo siweyn isugu soo baxay dabaal dega Xuska Dhalashada Nabiga (NNKH) 'Sawiro'

    Magaala Madaxda Dalka Kenya Ee Nairobi Ayaa Waxaa Maanta Si Hambsami Leh Loogu Qabtay Bannaanbax Aad U Ballaaran Kaas Oo Lagu Soo Dhaweynayo Dhalasha Xabiibkeena Muxamed CSW Maadaama Aynu Ku Guda Jirno Bisha Barakeysan Ee Rabiicul Awal Somalidana U T

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaala Madaxda Dalka Kenya Ee Nairobi Ayaa Waxaa Maanta Si Hambsami Leh Loogu Qabtay Bannaanbax Aad U Ballaaran Kaas Oo Lagu Soo Dhaweynayo Dhalasha Xabiibkeena Muxamed CSW Maadaama Aynu Ku Guda Jirno Bisha Barakeysan Ee Rabiicul Awal Somalidana U Taqaano Bisha Mowliid Oo Ah Waqtiga Uu Dhashay Rasuulkeena Suuban CSW.

Bannaanbaxaan Ku'aadan Soo Dhaweynta Rasuulka Suuban CSW Ayaa Waxaa Soo Qaban Qaabiyey Culamaa'udiinka Ahlusunna Waljameeca Kuwaasoo Culamada Asaliga Ee Alle Dalkeena Ku Maneystay Islamarkaana Dalkeena Somali Si Aad Ah ugu faafiyey Diinteena Macaanta Badan Ee Islaamka Ayagoo Shacabkeena Somaliya intooda Qalbiga Saafiga ah Leh Ku Beeray Jaceylka Xabiibka Suuban CSW Kaas Oo Ah Mid Alle Dadka Faray In Ay Jeclaadaan Xabiibkooda Suuban Ee Muxamed CSW.

Magaalada Nairobi Waxa Ay Aalaaba Caan Kutahay Sanadkasta Bishaan Oo Kale Dabaal degyada Nuucaan Ah Oo Lagu Marxabeynayo Dhalasha Rasuulka NNKH Waxaana Socod Dheer Lagu Soo Maraa Waddooyinka Waaweyn Ee Mara Xaafada Ay Somalida U Badantahay Ee Islii.

Nabi Amaano Aad U Macaan badan Oo Kala Duwan iyo Muxaadarooyin Qayim Ah Oo Kusaabsan Ixtifaalkaan Ayaa La Qaadaa Inta La Soconayo Waddooyinka Waaweyn Ee Islii Waxaana Bannaanbaxayaasha Ku Socdaan Gawaari, Fardo, Geelo, Mootooyin Iyo Lug.

Gawaari Cod Baahiyayaal Ah Ayaa Dhax Socda Bannaabaxa Kuwaaso Marna Nabi Amaanada Laga Qaadayo Marna Muwaacid Ku'aadan Ixtifaalka Ku'aadan Dhalasha Rasuulka CSW.

Socodka Dheer Kadib Ayaa sida Caadada Ah Leysugu Tagay Hoolka Weyn Ee New Eastleigh Primary School Halkaas Ay Diyaar Kuyihiin Culamadii Halkaasi Muxaadarooyinka Kasoo Jeedin Lahaa Waxaana Hoolka Loo Diyaariyey Si Habsami Leh Iyadoo Qeybta Culamada Si Gooni Ah Loo Diyaariyey Halka Dhageysatayaalka Muxaadarooyonka Ayagana Kuraas Cajiib Ah Loo Diyaariyey Qeybta Dumarka Ayaa iyadane Meesha Marneyn Oo Meel Qaas Oo Ragga Ka Soocan Loo Diyaariyey.

Dibad Baxayaasha Ayaa Xernaa Uniformyo Kala Gedisan kuwaasoo Aad U Qurux Badan Oo Ay Ka Muuqdaan Astaamo Tilmaamaya Qiimaha Ay Leedahay Maalintaan Qiimaha Badan Ee Ku 'aadan Dhalashada Xabiibka Suuban CSW.

Culamadii Halkaasi Diyaarka Ayaa waxa Ay Soo Jeediyeen Muxaadarooyin Qiima Leh Oo Ku Aadan Maalintaan Sharafta Badan.

Shariif C/llaahi Shariif Xasan Oo Kamid Ah Ahlubeytka Rasuulka CSW Islamarkaana Kamid Ah Culamadii Ka Hadashay Halkaas Ayaa Tilmaamay Ahmiyada Uu Leeyahay Ixftifaalka Nuucaan Ah Wuxuuna Tilmaamay In Sanadkasta Sanadka Kadambeeya Uu Sii Ballaaranayo Ixtifaalka Nabiga CSW Iyadoo Ay Taas Daliil U Tahay Maqbuulada Ixtifaalka Nabiga CSW.

Sidoo Kale Prof Sh Xasan Kenyawi Ayaa Ka Hadlay Ixtifaalka Asigoo Ku Nuux Nuuxsaday Sida Habsamida Leh Ee Uu Uga Soconayo Daafaha Caalamka Ixtifaalada Ballaaran Ee Lagu Soo Dhaweynayo Rasuulka Suuban CSW.

Culamo Kale Oo Farabadan Ayaa halkaasi Kahadashay Kuwaasoo Aad Uga Diga Kuwa Kasoo Horjeedo Ixtifaalka Xabiibka Suuban CSW Waxaana Ugu Dambeys Culamada Dadka Fareen In Lala Yimaado Alle Ka Cabsi Iyo In Nabiga CSW La Jeclaado Si Maqaam Sare Aan U Gaarno.

Gaba Gabadii Waxaa Uu Ixtifaalka Kusoo Idlaaday Si Wacan Oo Loo Riyaaqay Waxaana Lagu Qatimay Salliga Xabiibka Suuban CSW Iyadoo Marki Hore Lagu Daah Furay Aayadaha Qur'aan Kariim Ah.

Waa Ali Sh Ahmed Oo Idiin Leh Sanadaan Sanadeeda Samo Iyo Siyaado Allaah Inagu Gaarsiiyo.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip