Soomaalida Norway oo noqotay qowmiyada ugu faqrisan ee kunool dalka Norway isla markaana ugu lacag dirida badan (warbixin)

0
Thursday April 20, 2017 - 01:26:20 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 4570
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaalida Norway oo noqotay qowmiyada ugu faqrisan ee kunool dalka Norway isla markaana ugu lacag dirida badan (warbixin)

    Wargeyska Aftenposten ayaa maanta warbixin uu soo daabacay ku sheegay in soomaalida iyo afgaanistaantu ay yihiin dadka ugu dhaqaale yar Norway, marka loo fiiriyo qarashka soo galo calaa guri qoyskiiba. Balse soomaalida iyo Afgaanistaanta ayaa noqday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargeyska Aftenposten ayaa maanta warbixin uu soo daabacay ku sheegay in soomaalida iyo afgaanistaantu ay yihiin dadka ugu dhaqaale yar Norway, marka loo fiiriyo qarashka soo galo calaa guri qoyskiiba. Balse soomaalida iyo Afgaanistaanta ayaa noqday labada qowmiyadood ee lacagta ugu badan ka dira Norway, sida laga soo xigtay tirokoob ay soo saarta SSB.


Isku cel-celis ahaan guri walba oo soomaaliyeed oo Norway kuyaal, wuxuu sanadkii diraa lacag dhan 20.200, taas oo u dhiganta7%dhaqaalaha qoyska soomaaliyeed ee Norway soo gala sanadkii. Kaas oo isku cel-celis dhan292.400.

Sanadkii lasoo dhaafay ee 2016, waxey soomaalida Norway direen lacag dhan323,8 Milyan NOK.

Afgaanistaanta ayaa soo galayo kaalinta labaad, waxeyna isku cel-celis qoyskii diraan6,6%(22.800)kamid dhaqaalaha soo gala sanadkii oo isku cel-celis dhan345.200.

Pakistanta ayaa soo galeyso kaalinta 3-aad soo galeyso 3-aad, waxeyna isku cel-celis diraan6,6%dhaqaalaha soo gala sanadkii. Pakistanta ayaa sanadkii hore Norway kadirtay lacag dhan 384,1 milyan NOK, halka Afgaanistaantuna ay direen268,4milyan NOK.



Tirokoobkan ay SSB soo saartay ayaa ah mid laga soo uruuriyay shirkadaha xawaaladaha ee lacagta lagu kala dirsado Norway.

SSB: Soomaalida lacagta ugu badan ee soo gasha waa kaalmada dowlada
Arinta keeneyso in soomaalidu ay si gaar ah ugu xusnaadaan warbixintan ayaa ah in dhaqaalaha ugu badan ee soo gala qoysaska soomaaliyeed ee reer Norway soo gala, uu yahay dhaqaalaha ay dowladu ku kabto qoysaska danyarta ah. SSB ayaa warbixinteeda ku sheegtay in 58% dhaqaalaha soo galay qoyska soomaaliyeed sanadkii 2014 uu ahaa mid ka yimid kaalmada dowlada.

Soomaalida iyo Afgaanistaanta ayaa kujiro kaalmaha ugu horeeyo kaga jiro liisaska saboolnimada caruurta yar-yar ee Norway kunool.

Keshvari: Arintan Caqli gal ma ahan
Afhayeenka xisbiga FrP ee arimaha soo galootiga, ninka lagu magacaabo Mesyar Keshvari ayaa sheegay in arintan aysan aheyn wax caqliga gali karto. Isaga oo raaciyay in saboolnimada iyo ciriiriga dhaqaale ee qoysasku ay yihiin mid ay gacmahooda ku kasbadeen.

Keshari ayaa sheegay in hadii uu qofku doorbido inuu lacag u diro wadankii uu ka yimid, intii uu dhaqaale galin lahaa qoyskiisa iyo caruurtiisa ay arin caqabad ku ah isdhexgalka bulshada.

Luul Kulmiye: Soomaalida yaan lagu xukumin tiro isku cel-celis ah
Luul Kulmiye oo katirsanjaaliyada soomaaliyeed ee Norway, kana mid ah dadka uu wargeyska Aftenposten ku wareystay warbixintan, ayaa ka digtay in soomaalida lagu xukumo tiro isku cel-celis ah oo aan qeexneyn.Iyada oo raacisay ineysan cadeyn in qoysaska soomaalida ah ee heysto caruurta yar-yar, ay yihiin dadka lacagaha ugu badan u diro wadankii. Sidaas darteedna aan la abuuri karin sawir khaldan, iyada oo aan tiro sax ah laheynin.

Kulmiye ayaa sidoo kale sheegtay in tiradan warbixintan aysan si fiican u qeexeyn cida lacagaha dirtay, iyada oo raacisay inay waajib tahay in la helo tiro iyo cadeyn faah-faahsan.

Xigasho/kilde: Aftenposten/Norsom


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip