Dowlada Norway oo adkeyneeso Sharciga dadka soo galootiga ah ee kunool dalkaasi (Akhri)

0
Tuesday December 29, 2015 - 04:58:39 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2370
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada Norway oo adkeyneeso Sharciga dadka soo galootiga ah ee kunool dalkaasi (Akhri)

    Hindiso cusub oo ka dhan ah qaxootiga kunool dalka Norway eena soo bandhigtay dowlada dalka ayaa qeexaya in sharciga deganaanshaha rasmiga ah lagu xiro joogitaan sharci ah oo qofka kujoogay dalka Norway mudo shan sano ah isla markaana in qofka heesta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hindiso cusub oo ka dhan ah qaxootiga kunool dalka Norway eena soo bandhigtay dowlada dalka ayaa qeexaya in sharciga deganaanshaha rasmiga ah lagu xiro joogitaan sharci ah oo qofka kujoogay dalka Norway mudo shan sano ah isla markaana in qofka heestay, 3-sano oo shaqo joogta ah, degan guri uu leeyahay iyo shahaadada imtixaanka luqada afka norwejiga.
Wasiirka arimaha socdaalka iyo is dhaxgalka Sylvi Listhaug oo ka tirsan xisbiga (FRP) ayaa hindisahan cusub ee lagu adkeenayo deganaanshaha rasmiga ah ee dalka Norway ku shaacisay maalinti talaadada wargeysaka caanka ah ee VG. Ee kasoo baxa dalka Norway.

Hindisahaan cusub ayaa sida ku qeexan waxa lagu heli doonaa deganaanshaha rasmiga ah ee dalka Norway mudo shan sano ah halka uu hore ka ahaa sadex sano, taasi oo noqon doonto mudo aad udheer oo ee sugi doonaan dadka heesta ruqsada kumeel gaarka ah ee joogitaanka dalka Norway.

Sidoo kale qodobka xusida mudan ayaa ah in muhaajiriinta ay ku gudbaan imtixaan luqada norwejiga ah ka hor inta aysan dalban oggolaansho joogitaan:

- Waxaan soo jeedinaynaa in ay tahay in ay ku gudbaan imtixaanka kuhadalka luqada looga hadlo Norway. Durba shisheeyaha ayaa maanta looga baahan yahay in ay qaataan imtixaanka noocan oo kale ah. Qofka ajnabiga ah waa in ay sidoo kale ka gudbaa imtixaanka qasabka ah ee cilmiga bulshada. Sidoo kale waxaa jiri doona imtixaanka la qabsashada waddanka, waana qofka inuu ahaadaa mid isku filan in intii saddex sannadood ah, ayeey usheegtay Listhaug VG.

Waqtiga soo jeedinta waxaa loo dhigay lix isbuuc oo ka timid dhinaca xukuumadda, waxaa jira filasho cad in Baarlamaanka afjari doono arrintaan.

Xisbiga ee katirsantahay wasiirada Listhaug ee ah FRP ayaa ah xisbi had iyo jeer lagu riixo dhanka cunsuriyada hasa yeeshe go’aanadaani qaraar ee ka dhanka ah dadka soo galootiga ayaa waxa wada qaba dhamaan xisbiyada siyaasada kuwaasi oo doodahooda noqday kuwa isku dhinac ah tan iyo marki ee qaxootiga xoogan ee kusoo jabeen dalalka reer yurub, taasi oo ka dhigtay in si isku mid ah ee uga wada walaacaan dhamaan dhinacyada siyaasada kuwaasi oo cabsi ka qaba iney kacaan muwaadiniinta dalkooda, taasi oo abuuri karta xasilooni daro .

Hindisahaan cusub ee damacsantahay dowlada dalka Norway ee aan wili dhaqan gelin ayaa waxa uu sii murjin doonaa rajada dadka soo galootiga ah ee doonaya iney xuquuq iyo deganaan ka helaan dalalka reer Yurub, hasa yeeshe ma cada doorka ee ka qaadan karto iney hakadaan qaxootigaani.

W/T: Abdirahman Sheik Abdullaahi
E-Mail, farxad95@hotmail.com
Wadanka -Norway

http://www.adressa.no/nyheter/politikk/2015/12/28/Listhaug-strammer-inn-11970930.ece

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip