Jaaliyada reer Sweden oo taariikh lama iloobaan udhigay qurba joogta reer Warsheekh (Sawiro)

0
Tuesday October 11, 2016 - 22:09:36 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3504
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaaliyada reer Sweden oo taariikh lama iloobaan udhigay qurba joogta reer Warsheekh (Sawiro)

    Kulan lacag wareejin ah oo ka dhacay Hoteelka Global ee magaalada Muqdisho, kulankaasi oo ay soo qaban qaabiyeen Waxgaradka, Culumaa'udiinka Dhalinyarada Iyo Haweenka ka soo jeeda degmada Warsheekh, oo ku saabsanaa deeq lacageed oo ka timid jaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan lacag wareejin ah oo ka dhacay Hoteelka Global ee magaalada Muqdisho, kulankaasi oo ay soo qaban qaabiyeen Waxgaradka, Culumaa'udiinka Dhalinyarada Iyo Haweenka ka soo jeeda degmada Warsheekh, oo ku saabsanaa deeq lacageed oo ka timid jaaliyada Sweden ee ka soo jeeda degmada Warsheekh, lacagtaasi oo loogu wareejinayay Maamulka Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka degmada si logu sii wado howlaha dhismaha Isbitaalka.

Nabadoon Cumar Ibraahim Cosobow oo ah hogaanka waxgaradka ee ka soo jeeda degmada Warsheekh ayaa ka mahad celiyay deeqada maaliyadeed ee ka timid jaaliyada Sweden isagoo tix Shirib ku cabiray dareenkiisaa ku aadan hab maamuuska xafladda iyo sida wanaagsan ee jaaliyadda Sweden oo lacagta ugu deeqday isbitalka uga soo jawaabeen baaqi ahaa dhismaha isbitaalka hooyada iyo dhallaanka degmada.

Sidoo kale gudoomiye ku xigeenka amniga degmada Kaaraan Saalax Xaaji Maxamed Muuse oo ah Isku-duwaha dhismaha isbitaalka oo xafladda ka hadlay ayaa isna dhankiisa ka mahadceliyay isagoo ammaan u jeediyay jaaliyadda Sweden eeclacagta ugu deeqday isbitaalka.

Drs. Mino Xaaji Shibis oo Ganacsato caan ah sidoo kalena ah musharax xildhibaan qaran oo iyadana xafladda ka hadashay ayaa ku boorisay in jaaliiyadaha kale ee ka soo jeeda deegaanka si la mid ah jaaliyadda Sweden gacan ka geystaan dhismaha isbitaalkaasi.

Cusmaan Muxyadiin Shaatax ayaa isna ku dheeraaday muhiimada ay leedahay in sidaan oo kale ay bulshadu isugu soo gurmato
Baarliin Maxamed cadaawe oo iyadana ka mid ah jaaliyadada Sweden balse hada ku sugan caasimada dalka ee Muqdisho ayaa iyadana dhankeeda ammman huwisay jaaliyadda Sweden iyadoo
Waxaa kaloo madasha hadal qiimo badan ka soo jeediyay Prof Yusuf Hiraabe oo ah aqoonyahanada ka soo jeeda degamada Warsheekh, ayaa isna ku dheeraaday muhiimada ay leedahay in bulshadu sidaan iyo si la mid ah ay isugu tiirsanaato
Xasan Maxamed Cowsey oo ah guddiga siyaadda beesha Celi oo isna xafladda ka hadlay ayaa
Xuseen Muxumed Jimcaale Abkow oo ah dhalinyarada fir fircoon eek a soo jeeda degmada Warsheekh ayaa isna u mahadceliyay dadkii gacanta ka geystay siduu isbitaalkasi loo dhisi lahaa
Xiriiriyaha xafladani Aanis Cali Maxamud ayaa u yeeray Kabtan Maxamud Xuseen Mooge si uu lacagta deeqda u gudoonsiiyo Sheekh Daa’uud Sheekh Muxamed oo ahaa wakiilka Jaaliyadda Sweden usoo wakiisheen lacagtaasi in gacantiisa la geliyo si ay noqoto mid ku baxda sidii loogu talagalay.
Ugu dambeyntiina waxaa xafladda soo gunaanaday Guddoomiyaha Degmada Warsheekh Axmed Xuseen Axmed (Shiidka) kaasi ku dheeraaday dhibaatada ku haysta hooyada iyo dhallaanka degmada Warsheekh iyo deegaanada hoosyimaada, isagoo sidoo kalena sheegay in xiliyada foosha haweenka qaarkood ay u dhintaan inta lagu guda jiro safarka ay ku soo gaarayaan magaalada Muqdisho, gudooomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa mahad ballaaran u jeediyay Jaaliyadda Sweden kana mahadceliyay deeqda maaliyadeed ay soo gaarsiiyeen isbitaalka taasi uu sheegay inay tahay mid bilow u noqotay Qorshaha lagu taageerayo in aanu hakad ku imaan howlaha dhismaha isbitaalka.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip