Daawo Sawirada Banaanbaxa Bilowga Siyaaraadka Masha'iqda.

0
Monday October 21, 2013 - 14:49:08 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 4589
  • (Rating 4.4/5 Stars) Total Votes: 5
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirada Banaanbaxa Bilowga Siyaaraadka Masha'iqda.

    Waxa magaalada Muqdisho gaar ahaan Mowlaci Sheekh Muxumed Sheekh C/raxman ee Degmada Kaaraan lagu qabtay banaanbixi Siyaaradka Mashaa'iqda gaar ahaan Sheekh Muxumed Sheekh C/raxman Ow Cumar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa magaalada Muqdisho gaar ahaan Mowlaci Sheekh Muxumed Sheekh C/raxman ee Degmada Kaaraan lagu qabtay banaanbixi Siyaaradka Mashaa'iqda gaar ahaan Sheekh Muxumed Sheekh C/raxman Ow Cumar. Banaanbaxa Siyaarada ayaa yimid kagadaal Qadoomooyin Qur’aan Aqris ah oo socday mudo sadex maalin ah iyadoo sidoo kalena ee sii socon doonaan qur’aan aqriska Siyaarada ilaa laga gaaro 12-Muxaram xiligaasi oo la qaban doono Banaanbaxa Siyaarada Aba Sheekh C/raxman Sheekh Cumar.

Banaanbaxa Siyaarada Masha’iqda ayaa waxa kasoo qeybgalay dhamaan Dariiqooyinka Ahlusunnah waljamaac iyadoo la oogay sida caadada u ah Ahlu Dariiqa Xilqooyinka Dikriga Sida Seyliciyada, Uweysiyada iyo Axmadiyada.

Mudarasiin , Macalimiinta Dugsi Qur’aanada, Aqoonyahano, Nabadoono, Dhalinyaro iyo Haweyn ayaa kasoo qeybgalay banaanbaxa siyaarada Masha’iqda kusharafowday fidinta diinta Islaamka ee Soomaaliya.

Gaba gabadi Banaanbaxa ayaa culimadi kasoo qeybgashay waxey alle uga baryeen in danbi dhaaf iyo ajir kusiiyo inti isu xilqaantay habsami uqabsoomida Siyaarada iyo inti kasoo qeybgashay  iyagoo sidoo kale Alle Uga baryay in umada Soomaaliyeed Towfiiq Caam ah siiyo , sanadka kiisa xigana nagu gaarsiiyo samo iyo siyaado.

Fiiro Gaar Ah, Hadii aad Mobile Kadaawaneyso Sawirada
                          Riix Halkaan

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip