Waxaa maantay ka dhacay Hotel Global ee Magalada Mogadishu kulan lagu taageerayey Musharaxa Cusub ee Mamulka Gobolka Banadir Dr. Ahmed Mohammed (Ahmedwarsheik). Kulankaasi waxaa kasoo qeybgalay dhamaan bulshada qeeybaheeda kala duwan. Sida Odayaasha, Culuma,udiinka, Aqoonyahanda, Haweenka iyo dhalinyarada besha Celi Cumar Wacbuudhan Abgaal. Dhamaan qeybahii ka koobnaa bulshada kasoo qeybgashay kulanka waxa ay taageero buuxda siiyeen musharaxnimada Dr. Ahmed.
Inta esocotay Munaasabada taageerada DR Axmed Sha’ib ayaa waxa halkaa ka waramay qaar kamid ah Waxgaradki kasoo qeybgalay oo ee u horeeyeen
Shiikh C/raxmaan Macalim Axmed
Coll: Cabdulaahi Xaaji Muxumed Ow Nuur (Saacaati)
Nabadoon Nuur Socotooy
Nabadoon Hassan Qoslaaye
Aqoonyahan Rooble
Maxamud Axmed Xuseen (Marshaale)
Maxamud Maxamed Cali
Ex Xildhibaan Ruqiya Cali Cabdulle
Maryan Axmed Jalambe
Xaawo Caalin
Sidoo kale waxa qadka telfoonka uga soo qeybgalay Munaasabadaani Qaar kamid ah Waxgaradka qurba joogta beesha Celi Cumar oo u horeeyay
Suldaan Aweys Suldaan Maxamud, Suldaanka Beesha Celi Cumar oo isagana dhankiisa ka muujiyay sida xiligaan ugu faraxsan yahay musharaxnimada Dr Sha’ib ee hogaanka Gobolka Banaadir.
Dr. Ahmed Mohammed Ahmedwarsheik waa nin muddo dheer kunoolaa Dalka dibadiisa gaar ahaan dalalka Skandinvien leyku dhaho (Sweden, Danmark, Finland iyo Norwey). Dr. Ahmed waxa oow ahaa nin ka warqaba dhibaatada iyo daruufta ka jirta dalka Hooyo ee Somaliya. Inta oow dibada kunoolaana waxa oow sanadkasta ugu yaraan hal iyo laba jeer safar ku imaan jiray dalka Somalia gaar ahaan Casimada iyo gobolada kale ee ku wareegsan sida labada shabelle (Shabellada dhexe iyo shabellada Hoose). Waxa oow Dr. Ahmed ka qabtay Goboladii leysku dhihi jiray Ex-Banadir howlo badan. Sida dhanka waxbarasha, hurumarinta cafimaadka iyo hurumarina nolosha asaasiga, wacyigelinta dhalinyare iyo u abuurista shaqo dhalinyara shaqada la ee ku nool Goboladaasi.
Dr. Ahmed waa nin karti uleh inoow wax ka badalo sida ay maantay tahay Magalada Mogadishu kan sii wada karo maantay meesha ay joogta, gaarsina karo hurumar lataaban karo. Dr. Ahmed waxa oow khibrad uleeyahay xaga abaabulka mashaariicda hurmarineed, gaar ahaan kuwa nolosha asaasiga ah ee bulshadu ubaahantahay sida korontada, biyaha, dhanka waxbarasha, abuurista shaqada iyo soo celinta bilicda magaalda. Waxaa kaloo Dr. Ahmed uleeyahay khibrad ababulka iyo hurmarinta nabada iyo isdhexgalka bulshad kuwada nool Casimada. Dr. Ahmed waxa oow xiriir dhow la leeyahay dhamaan Heyadaha Calimiga ee wadamada Skandinavienka.
Musharaxa Gobolka banadir Dr. Ahmed waa shaqsi wax bedeli karo wax weyna la qaban karo dowlada hada jirta hadii laga fa,ideeysto aqoontiisa iyo khibradiisa. Sida aan wada oganahay wadamada Skandinvianka waa wadama ugu horeeya aduunka hadii ay noqon laheed gargaarka bani,adanimo iyo hurumarinta dunida sadexaad waxbadna ku bixiya sidii Dunida sadexaad ay u horumari laheed ugana bixi lahaayeen noloxumida sida ay ugu weyntahay faqriga iyo jahliga.
Halkaan Riix si aad u aqrisato Taariikh Nololeedka Musharaxa
Tariikhdii-iyo-waxqabadkii-Dr-Ahmed-Mohammed-Mohammoud-Kulmiye-Ahmedwarsheik
Fiiro Gaar Ah, Hadii
aad Mobile Kadaawaneyso Sawirada
Riix Halkaan
Kulan lagu taageerayey Musharaxa cusub ee Gudoomiyaha Gobolka Banadir ee Besha Celi Cumar (Sawiro)
Waxaa maantay ka dhacay Hotel Global ee Magalada Mogadishu kulan lagu taageerayey Musharaxa Cusub ee Mamulka Gobolka Banadir Dr. Ahmed Mohammed (Ahmedwarsheik). Kulankaasi waxaa kasoo qeybgalay dhamaan bulshada qeeybaheeda kala duwan. Sida Odayaasha,