Horyaalka heerka koobaad ee Kubadda cagta Dalkeenna Soomaaliya ayaa si habsami leh uga soconaya garoonka kubadda cagta Banadir Stadium Ex-Conis degmada C/casiis ee gobolka Banaadir waxaana galabta ciyaar xiisa leh ay dhex martay kooxaha kubadda cagta ee LL.PP Jeenyo VS Savaana. Ciyaartan oo ay usoo daawasho tageen dadweyne farabadan oo ka kala yimid xaafadaha magaalada Muqdisho kuwaasi oo xamaasadooda iyo taageranimadooda si weyn looga dareemayey garoonka waxaana labada kooxood ay muujiyeen ciyaar aad u xiisa badan, qeybta hore ee ciyaarta waxaa lagu kala nastay 1-0 oo ay ku hogaamineysay kooxda LL.PP jeenyo.
Qeybta Labaad ee ciyaarta marka la isugu laabtay ayaa kooxda LL.PP Jeenyo ciyaartooydeeda u suurtagashay iney dhaliyaan goolkooda Labaad ayadoo guud ahaanna ciyaarta waqtigii loogu talagalay ay kusoo gebageboowday 2-0 oo ay guusha ku raacday kooxda LL.PP Jeenyo,ciyaartooyda kooxda Savaana uma aysan suutagelin iney wax gool ah dhaliyaan waloow ay aad u dadaaleen.
Maalinnimada berrito ah haduu Alle idmo waxaa kulan derbi ah oo aad u adag islamarkaana qeyb ka ah horyaalka Seri A uu dhex mari doonaa labada kooxood ee uu ka dhaxeeyo xifaaltanka weyn waa kooxaha Elman FC VS Banadir Sports Club ayadoo labadaasi kooxood ciyaartii ugu dambeysay ay dhex martay todobaadkii hore taasi oo aheyd Finalka koobka Super Cup.
Halkaan Hoose kadaawo Goos Goos
Xamsada Horyaalka Somaliya oo kor ukacday, Jenyo oo garaacday Savana iyo Kulanka darbiga ah Elman Vs Banadir (Sawiro+ Video)
Horyaalka heerka koobaad ee Kubadda cagta Dalkeenna Soomaaliya ayaa si habsami leh uga soconaya garoonka kubadda cagta Banadir Stadium Ex-Conis degmada C/casiis ee gobolka Banaadir waxaana galabta ciyaar xiisa leh ay dhex martay kooxaha kubadda cagta