Shir Madaxeedka Wadamada Carabta Iyo Afrika Oo Saaka Ka Furmi Doona Magaalada Kuweyt

0
Tuesday November 19, 2013 - 09:14:59 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 650
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir Madaxeedka Wadamada Carabta Iyo Afrika Oo Saaka Ka Furmi Doona Magaalada Kuweyt

    Shir madaxeedka wadamada Afrika iyo Carabta ayaa saaka ka furmaya magaalada Kuweyt, iyadoo Soomaaliya uu uga qeybgalayo wafdi uu hogaaminayo guddoomiyaha Baarlamanka Prof. Jawaari.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shir madaxeedka wadamada Afrika iyo Carabta ayaa saaka ka furmaya magaalada Kuweyt, iyadoo Soomaaliya uu uga qeybgalayo wafdi uu hogaaminayo guddoomiyaha Baarlamanka Prof. Jawaari. Shirka ayaa waxaa ka qeybgalaya in ka badan madaxda Lixdan dowladood oo isugu jira Afrikan iyo Carab, waxaana looga hadlayaa sidii wadamadaasi isaga kaashan lahaayeen horumarka, dhaqaalaha iyo ganacsiga.

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ku sugan Kuweyt ayaa la filaya in uu shirkaasi ka jeediyo khudbad ka hadleysa xaaladda dalkeenna iyo sida ay Soomaaliya ugu baahantahay maalgashi iyo horumar dhinaca dhaqaalaha ah si ay uga soo kabato diiftii, darxumadii iyo burburkii laga dhaxlay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Shirka ayaa la soo gebagebeyn doonaa maalinta beri ah, waxaana lagu wadaa iney ka soo baxaan go’aanno wax tar u leh ummadda Soomaaliyeed.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip