Xiliga kala guurka saxaafadda Soomaaliya oo looga doodey Johannesburg (Sawiro)

0
Tuesday November 26, 2013 - 11:44:17 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1674
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiliga kala guurka saxaafadda Soomaaliya oo looga doodey Johannesburg (Sawiro)

    Si la mid ah marxaladihii kala guurka siyaasadeed ee ay Soomaaliya soo martay sadihii dhawaa, warbaahinta Soomaaliya ayaa waxa ay maraysaa xaalad lagu tilmaami karo kala guur xili baarlamaanka la marinayo sharci cusub oo saxaafadda lagu dhaqayo, wuxu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Si la mid ah marxaladihii kala guurka siyaasadeed ee ay Soomaaliya soo martay sadihii dhawaa, warbaahinta Soomaaliya ayaa waxa ay maraysaa xaalad lagu tilmaami karo kala guur xili baarlamaanka la marinayo sharci cusub oo saxaafadda lagu dhaqayo, wuxuuna noqonayaa kii ugu horeeyey oo noociisa ah muddo 20 sanno ka baddan. Ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika (SOJASA) oo kulan isugu yimid magaalada Johannesburg ayaa ka doodey arrintaasi iyo arrimo kale oo quseeya saxaafadda Soomaaliya, sida dhaliilaha karkaar dhaafay ee loo hayo saxaafadda, gaar ahaan boggaga internet-ka ee iyagu faafiya fadeexada dhaqan-dooriska ah.

Cabdifataax Cali Samatar "Sablaale" oo ah madaxa SOJASA ee tijnoolajiyadda cusub ayaa yiri "Anshax xumada waxaa horseedaya qarashaadka yar ee laga helo xayaysiiska Google-ka, iyada oo arrintani sahashay in dad baddan oo aanan saxafiyiin ahayn ay bogag furteen si ay qarash u helaan, laakiin google wuxuu soo saarayaa shuruuc cusub oo aysan sahlanayn in qof kasta uu buuxiyo, waxaana dhici doonta mardhow in waxyaabo baddan la'isaga dabo tagi doono".

Cabdiqaadir Axad Dhaqane, Guddoomiye ku xigeenka SOJASA, kana tirsan warbaahinta qaranka ayaa sheegey in sharciga la meelmarinayo uu la iman doono in qalabka warbaahinta, wariyeyaasha maxaliga ah iyo wariyeyaasha caalamiga ahba ay shati qaataan si hadhoow loola xisaabtami karo, iyada oo sharciga ay ku jiraan qodobo qabanaya haddii xadgudub uu dhoco, wuxuu intaasi ku daray Cabdiqaadir in sharcigani uu wax ka tari doono gabidhacleynta warbaahinta.

Balse saxafiyiinta waxa ay walwal ka muujiyeen qodobada qaar oo ku jira xeerkani oo uu ka midyahay qodobka ku saabsan in saxafiga uu ku qasbanyahay in uu sheego ilaha uu warka ka helo, taasi oo ka taloowsan xuquuqul qowlka.

Maxamed Muuse Nuur (Deeq Darajo) Guddoomiyaha SOJASA ayaa si weyn usoo dhaweeyey abaalmarinta saxaafadda Soomaaliya ee la bixinayo markii ugu horeysey, wuxuuna ku tilmaamay mid dhiirogalineyso xirfadlayaasha saxaafadda, islamarkaasina kobcineyso in dadka saxaafadda ku jira ay tayeeyaan waxa ay tabinayaan si markaasi ay abaalmarinta ugu guuleystaan, wuxuu sidoo kale dowladda Soomaaliya ugu baaqay in abaalmarintaasi oo kale ay biloowdo.

Balse waxa ururka SOJASA uu xusuusinayaa qabanqaabiyeyaasha abaalmarinta in aanan meesha laga saarin saxafiyiinta dalka dibadiisa ku nool sababo amaan dartood, balse hawlaha saxaafadda ee Soomaaliya ku jira "In abaalmarinta dadka u tartamaya lagu koobo gudaha Soomaaliya dadka jooga waa arrin faquuq iyo takoor ah, waxayna xaqireysaa doorka ay saxafiyiinta dibadda jooga ku leeyihiin warbaahinta Soomaaliya" Ayuu yiri Maxamed Muuse.

Kulanka waxaa lagu falanqeeyey kaalinta warbaahinta ee Soomaaliya, waxaana la'isla soo qaatay in masiibooyinka qaran ee dhacay sida duufaanta iyo fatahaadda in doorkii ay saxaafadda ka qaatay tabinta ay wax baddan ka tartay gargaarkii la gaarsiiyey dadka tabaalaysan, tanina ay tusaale wanaagsan u tahay kaalinta saxaafadda ay bulshada ku leedahay.

Sidoo kale doorashooyinka iyo isbadalada siyaasadeed ee dalka, horumarka ganacsiga iyo kobaca tacliinta dalka in ay hormuud ka tahay saxaafadda , ayna tahay in lagu amaano waxyaabaha wanaagsan ee warbaahinta bidhaamineyso oo aanan dhaliisha warbaahinta oo kaliya aanan la sheegin.

Waxyaabaha kale ee kulanka looga doodey waxaa ka mid ah illaalinta xuquuqda iyo badqabka saxafiyiinta, kor u qaadista aqoontooda, iyo waliba sidii xirfadani looga dhigi lahaa mid manaafacaad u leh qofka ka shaqaynaya oo aanan la duudsiinin mushaarka qof.

Fiiro Gaar Ah, Hadii aad Mobile Kadaawaneyso Sawirada

Riix Halkaan



SOJASA
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip