FOWZIA "Qeybe waxuu ahaa rugcadaa siyaasi ah:
- Visits: 2315
-




(Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
- 0 0
-
Share
Brussels, 28 November 2013 - Ra'iisul Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda, Marwo Fowzia Yusuf Haji Adam ayaa tacsi u dirtay dhammaan shacabka Soomaaliyeed geeridii Danjire Ahmed Mohamed Aden Qeybe oo ku geeriyooday Hargeisa. Marxuumka waxuu xilal kala duwan ka soo qabtay Soomaaliya oo uu ahaan jirey Wasiirka Arrimaha Dibedda.
Wasiir Fowzia ayaa tiri "Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhu Raajicuun, geeridu waa xaq, Marxuum Ahmed Mohamed Aden Qeybe, allaha janadii fardowza haka waraabiyo, dhammaan eheladii, asxaabtii iyo shacabka Soomaaliyeedna Samir iyo Iimaan Allaha ka siiyo. Ummadda Soomaaliyeedna waxaan ka baryayaa inay u soo duceeyaan marxuumka."
Wasiir Fowzia ayaa sidoo kale tiri " Anigoo ku hadlaya magaca Dowladda, kan Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo keygaba, waxaan shacabka Soomaaliyeed u dirayaa tacsi oo waajib nagu ah inaan mas'uuliyiinteenna karaameyno, xurmeyno, isla markaana aan u wada duceyno inuu EEBBE janadii fardowza ka waraabiyo. Marxuumka waxaa lagu yaqaanay howl kar, daacad, geesinimo, iyo hufnaan dheeri ah, waxuuna ahaa rug cadaa siyaasi ah."
- DHAMAAD -
FOWZIA "Qeybe waxuu ahaa rugcadaa siyaasi ah:
Brussels, 28 November 2013 - Ra'iisul Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda, Marwo Fowzia Yusuf Haji Adam ayaa tacsi u dirtay dhammaan shacabka Soomaaliyeed geeridii