Suuqa kala iibsiga ayaa furmaya bisha Janaayo laakiin durbaba warbaahinta isboortiga waxa ay hadalhayaan wararka xanta ah ee la xiriira suuqa kala iibsiga ciyaartoyda qaarada Yurub, iyagoo ka waramaya ciyaartoyda diirada saaran bisha Janaayo. waxa ay idiin soo uruurisay wararkii ugu waa weynaa ee ay wargeysyada Ingariiska ka qoreen suuqa kala iibsiga. Wararka halkaan ku qoran waxaa xuquuqdooda iska leh warbaahinta ku hor qoran, laacib.net mas’uul kama ahan.
Arsene Wenger ayaa heshiis cusub u saxiixi doona Arsenal bisha soo socota, isagoo qalinka ku duugaya heshiis uu kula joogayo ilaa iyo 2017. (Sunday Mirror)
Manchester United ayaa kula tartami doona Arsenal saxiixa xiddiga Real Madrid Sami Khedira dhamaadka xilli ciyaareedkan. (Sunday Mirror)
Manchester United ayaa bankiga u jabin doonta inay keentay ciyaartoyda ugu fiican adduunka garoonka Old Trafford, sidaasi waxaa yiri David Moyes. (Sunday Mirror)
Aleksandar Kolarov ayaa albaabka u furay Inter Milan isagoo sheegay inuu doonayo inuu ku laabto Italy. (Sunday Mirror)
Kooxaha waa weyn ee England ayaa ceyrsanaya mid ka mid ah xiddigaha u soo baxaya Germany Kevin Volland. (Sunday Mirror)
Luis Suarez ayaa diyaar u ah inuu mustaqbalkiisa kala xaajoodo Liverpool, iyadoo wakiilkiisa Pere Guardiola uu imaan doono Merseyside ka hor dhamaadka sannadkan. (Sunday People)
Wakiilka Dimitar Berbatov ayaa xaqiijiyay in weeraryahanka uu doonayo inuu ka tago Fulham. (Sunday People)
Chelsea ayaa ku dhow inay Manchester United ka hoos bixiso saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Inter Milan Fredy Guarin. (Sunday People)
Wayne Rooney ayaa diyaar u ah inuu wadahadalo la galo Manchester United oo la xiriirta qandaraaskiisa inkastoo ay xiiseyneyso Chelsea. (Mail on Sunday).
Chelsea ayaa laga yaabaa inay ku gacanseyrto isku daygeeda saxiixa 18 jirka Adrien Raboit ka dib markii PSG ay soo gashay tartanka. (Sunday Express).
Wararka Xanta Ay Wargeysyada Ingariiska Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.
Suuqa kala iibsiga ayaa furmaya bisha Janaayo laakiin durbaba warbaahinta isboortiga waxa ay hadalhayaan wararka xanta ah ee la xiriira suuqa kala iibsiga ciyaartoyda qaarada Yurub, iyagoo ka waramaya ciyaartoyda diirada saaran bisha Janaayo.