Haweeney buurta Kalimanjaro uga boodaysa si ay u caawiso caruurta Syria
Haweeney u dhalatay dalka Masar ayaa isku diyaarinaysa inay ka dul boodo buurta Kiliminjaro si dhaqaalaha kasoo gala ugu caawiso qaxootiga wadanka Syria ka cararay ee dhibaatadu haysato.
Haweeney u dhalatay dalka Masar ayaa isku diyaarinaysa inay ka dul boodo buurta Kiliminjaro si dhaqaalaha kasoo gala ugu caawiso qaxootiga wadanka Syria ka cararay ee dhibaatadu haysato. Haweeneydaan oo la yiraahdo Ayat El-Dewary ayaa hadda wada tababar ay samaynaso waxaana ay sheegtay in bisha February ee sanadka soo socota ay u safri doonto dhanka buurta Kalimanjaro oo ka mid ah buuraha dunnidaan ugu dhaadheer.
Ayat El-Dewary ayaa sheegtay in sababta ay buurta uga boodayso ay tahay ayadoo doonayso inay ururiso dhaqaalo lagu caawinayo dadka Syrian ka ah ee dhibaatadu haysato.
Haweeneydaan Masaarida ah oo leh 2 caruura ayaa waxay la shaqaysaa Hay’adda Q,M u qaabilsan dhanka qaxootiga ee UNHCR xafiiska ay ku leedahay magaalada Dubai "Aad bay ii farxad galinaysaa inaan go’aankaan qaato waxaana doonayaa inaan caawiyo walaalahay reer Syria waayo aad baan uga xumaaday waxa Syria ka jira” ayay tiri si gaar ah waxay u sheegtay inay doonayso inay u gar gaarto caruurta qaxday.