Xarunta madaxtooyada Villa Somalia waxaa shalay ilaa xalay ka socday kulan saddex geesood ah oo dhex maray Madaxweyne Xasan Sheekh, K/Simaha Wasiirkii hore ee Madaxtooyada iyo Ra'iisal Wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed. Kulanka oo markii hore ku bilowday jawi degan, isla markaana saddexda mas’uul ay uga wadahadleen Golaha Wasiirada cusub ayaa markii dambe galay jawi culus, kaddib markii laga dooday ajandayaal ku saabsan magacaabista Wasiirada cusub.
Sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay xarunta madaxtoyada Villa Somalia, saddexda mas’uul ayaa isku soo dhowaaday, kaddib markii ay isku afgarteen inta badan ujeedada kulankooda.
Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in qodobada ugu waaweyn ee ay isla gorfeeyeen saddexda mas’uul ay ka mid yihiin: in Wasiirada cusub lagu soo daro xubno taageersan garabka Madaxweynaha, kaddib dood dheer oo dhex martay saddexda mas’uul taasi oo ku saabsaneyd in qaar ka mid ah Wasiiradii hore dib loo soo celiyo.
Dhinaca kale saddexda mas’uul ayaa iyagu waxaa u harsan qodobo kale oo muhiim ah, taasi oo ku wajahan qaabka ay iskula shaqeynayaan Madaxtooyada iyo Golaha Wasiirada cusub ee uu soo magacaabayo Ra’iisal Wasaare C/Weli Sheekh.
Madaxweynaha, Ra'iisal Wasaare C/Weli iyo Faarax C/qaadir oo shir 3 geesood ah ka yeeshay Wasiirada cusub
Xarunta madaxtooyada Villa Somalia waxaa shalay ilaa xalay ka socday kulan saddex geesood ah oo dhex maray Madaxweyne Xasan Sheekh, K/Simaha Wasiirkii hore ee Madaxtooyada iyo Ra'iisal Wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed.