Kulan balaran oo siweyn loo soo abaabulay isla markaana mudo laga shaqeynayay eena isugu yimideen Wakiilo ka kala socda tuulooyinka hoos yimaado Degmada Warsheekh ayaa waxa lagu qabtay xarunta degmadaasi. Amaanka Degmada Warsheekh ayaa siweyn loo adkeeyay iyadoo habeenadi lasoo dhaafayay lagu arkay dhamaan daafaha degmada ciidamo aad uhubeesan oo gaaf wareegaya isal markaana sugaya amaanka ergada kaqeybgaleesa shirka maamul usameenta degmada Warsheekh
Kulankaani ayaa ujeedadiisu waxa ay aheed sida beelaha wada dega Degmada Warsheekh ee usameesan lahaayeen maamul ee kuwada mideysan yihiin kaasi oo majaraha uhayn doono howladaha Degmadooda.
Qudbada qiimo badan oo ee jeedinayeen ergadi kasoo qeybgashay shirka ayaa ugu dambeenti waxa miiska lasoo saaray Maamul ka kooban
Gudoomiye.
Gudoomiye Xigeenka Kowaad.
Gudoomiye Xigeenka Labaad .
Gudoomiyaha Maxkamada .
Dooda ergada kadib ayaa waxa cod gacan taag ah waxa lagaliyay musharaxiinti utaagneed xilalkaasi iyadoo Gudoomiya cusub ee degmada Warsheekh uu ku guuleestay
1. Maxamed Axmed Foodle "Cagmadhige”: (Gudoomiye)
2. Baashi Maxamed Makaraan : (Gudoomiye Xigeenka 1,aad ee ahna uqeybsamaha Arimaha Bulshada )
3. Ibraahim Maxamud Maxamed "Booshey” : (Gudoomiye Kuxigeenka 2.aad, ahna uqeybsamaha dhinaca Amaanka )
4. Dr Aweys Shiikhey Xaaji Cade : (Gudoomiye Maxkamada Degmada Warsheekh).
Gaba gabadi shirka ayaa ergadi kaqeybgashay shirka waxey baaq udireen dowlada Soomaaliya kana codsadeen iney tixgaliso rabitaanka shacabka eena aqbasho maamulkaan ee dadka deegaanka soo doorteen.
Magacyada Nabadoonadai hogaaminayay ergadi kala mataleesay Tuulooyinka ee ka koobantahay Degmada Warsheekh
• Nabadoon Sheekh Muriidi
• Nabadoon Xuseen Cali Nuur
• Nabadoon Wehliye Canbuure
• Nabadoon Xaaji Axmed Kuulow
• Nabadoon Xasan Buraash
Dhanka kale ayaa waxey doorashadaani kusoo aadeesay xili uu jiro maamul ee dowladi kumeelgaarka aheed umagacowday Degmada Warsheekh kaasi oo la da’ah maamulka guud ee gobolka shabeelada Dhexe hasa yeeshe majirto wax war ah oo kasoo baxay maamulki hore ee degmada Warsheekh xiriiro aan isku daynay nooma suura galin inaanu helno gudoomiye Tuuji oo ah gudoomiyaha maamulka degmada oo ee umagacowday dowlada Sheekh shariif.
Dowlada Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa looga fadhiyaa iney fara galin kusoo sameeso habacsanaanta maamul ee xiligaani kajirta gobolka Shabeelada Dhexe eena aqoonsi xoogan siiso mid kamid ah maamuladaan iminka is ceersanaya.
Is heesadka labada maamul ee kawada jira Degmada Warsheekh wallow maamulka hore uu dibad joog kayahay degmada ayaa hadana waxa jirto hadal heen xoogan oo ka imaaneyso madaxtooyada Soomaliya taasi oo la xiriirto in dowlada uu garwadeenka kayahay madaxweyne Xasan sheikh ee gabi ahaan diiday aqoonsiga degmooyinki ugu dambeeyay ee dowlada Maxamed siyaad bare aqoonsatay taasi oo meesha kasaareyso degmanimada Warsheekh iyo degmooyin kale oo dhowr ah.
Hadii madaxtooyada Soomaaliya hadalkaani si rasmi ah ushaaciso ayaa dhanka kale waxa uu dhabaha u xaari doonaa qilaaf horleh iyo mucaarado dowladaani kaga timaado dhinacyo kala gadisan kuwaasi oo saameen kuyeelan doonto hirgalinta nidaamka dowladnimo oo sigaabis ah iminka usocda.
Fiiro Gaar Ah, Hadii
aad Mobile Kadaawaneyso Sawirada
Riix Halkaan
Xafiiska Shabakada Warsheekh
E-mail: warsheekh10@hotmail.com
Warsheekh Shabeelada Dhexe
Maamulka ladoortay
Degmada Warsheekh oo yeelatay maamul Cusub, "Akhri Magacyada" (Sawiro)
Kulan balaran oo siweyn loo soo abaabulay isla markaana mudo laga shaqeynayay eena isugu yimideen Wakiilo ka kala socda tuulooyinka hoos yimaado Degmada Warsheekh ayaa waxa lagu qabtay xarunta degmadaasi.