Koox Afka Duubatay oo weerar kuqaaday Aroos kadhacayay Xaafada SOS ee Muqdisho

0
Wednesday January 01, 2014 - 17:06:55 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 3841
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Koox Afka Duubatay oo weerar kuqaaday Aroos kadhacayay Xaafada SOS ee Muqdisho

    kooxo hubeysan oo wajiyada qarsada ayaa xalay weeraray guri uu ka dhacayay aroos oo ku yaalla xaafadda Suuqa Xoolaha ee isla degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, kuwaasoo burburiyay qalab kuwa muusiga ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

kooxo hubeysan oo wajiyada qarsada ayaa xalay weeraray guri uu ka dhacayay aroos oo ku yaalla xaafadda Suuqa Xoolaha ee isla degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, kuwaasoo burburiyay qalab kuwa muusiga ah. Qaar ka mid ah dadkii xafladda joogay ayaa saxaafadda u sheegay in koox dhallinyaro ah oo wajiyada qarsaday watayna bastoolado iyo bambooyinka ay soo galeen guriga, ayna markiiba burburiyeen qalabkii musiga, dadkana ay ku amreen inay goobta ku kala tagaan, taasoo keentay in markiiba ay kala cararaan dadkii xafladda ku sugnaa.

Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkaas, iyadoo kooxahan markii ay kala eryeen dadkii goobtaas ku sugnaa iyagana goobta isaga tagay, mana jirto cid sheegatay inay mas’uul ka ahayd arrinta, balse dadka deegaanka ayaa sheegay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin.

Degmada Huriwaa oo ka mid ah degmooyinka ku yaalla dhinaca Waqooyi ee Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan, dagaallo iyo falal kasoo horjeeda ammaanka, iyadoo degmadaas ay ku xooggan tahay Al-shabaab.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip