Maxa kala socotaa kulanki adkaa ee kadhacay Madaxtooyada Soomaaliya ?
Ilo wareedyada ku sugan xarunta madaxtooyada dalka (Villa Soomaaliya) ayaa ku waramaya in xalay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu la kulmay xildhibaanadao ka soo jeeda beelaha Daarood.
Ilo wareedyada ku sugan xarunta madaxtooyada dalka (Villa Soomaaliya) ayaa ku waramaya in xalay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu la kulmay xildhibaanadao ka soo jeeda beelaha Daarood. Kulankan oo ahaa martiqaad uu madaxweynuhu u sameeyay xildhibaanada ayaa looga hadlay aragtida xildhibaanada ka qabaan in xubnaha golaha wasiirada cusub ee ka imaanaya beelaha Daarood laga dhigo dad cusub ama in laga dhigo wasiiradii hore ee ku jiray xukuumaddii Raysal Wasaare Saacid Shirdoon kuwaasoo qaar badan oo ka mid ah ay ku jiraan orod sidii ay markale u heli lahaayeen xilal wasiiro.
Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu xildhibaanada beelaha Daarood ugu yeeray wadatashi si ay uga dhiibtaan fikir in xubnaha wasiirada ee beelaha Daarood ku yeelanayaan dawlada wajiyo cusub laga dhigo ama in wasiiradii hore la soo celiyo.
Wada tashigan oo kale ayaa madaxweyne Xasan Sheekh horey ula yeeshay xildhibaanada beelaha Hawiye ee ku jira baaramaank federaalka.
Ilo wareedkan ayaa ka gaabsaday inuu xuso natiijada kulankii wadatashiga ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xalay layeeshay xildhibaanada Daarood. Waxaase warar hoose sheegayaan in la isku afgartay kulanka wadatashiga ah.
Madaxweynaha ayaa sababta uu u martiqaadayo xildhibaanada baarlamaanka waxaa lagu sifeeyay ka dib markii Raysal Wasaare C/weli Sheekh Axmed uu walaac xoogan ka muujiyey DIGNIINO culus oo beryahan ka imaanayey baarlamaanka kuwaasoo ku hanjabay in xukuumadda cusub ay ridi doonaan haddii wasiiradi hore lagu soo daro.
Xildhibaanada dhexdooda ee beelaha kala duwan ee Soomaalida ayaa isku khilaafsan aragtida ah inaan wasiiradii hore la soo celin, waxaana arrinkan uu khilaaf weyn dhex dhigay beelaha qaarkood oo shirar ay hoteelada Muqdisho ku yeesheen ay ku dambeeyeen feer iyo fara laad ka dib markii la isku qabtay in wasiirada beelaha ugu jiray xukuumaddii hore la soo celiyo iyo inaan la soo celin.
Wasiirada xukuumaddii Saacid Shirdoon oo ka koobnaa 10 xubnood ayaa mid kasta wuxuu dib ugu laabtay beeshiisa si uu kalsooni uga helo ayna ku taageeraan in xukuumadda cusub lagu soo daro, waxayna arrinkan timid ka dib markii raysal wasaaruhu sheegay in qofkii wasiirnimo raba uu marka hore "Kalsooni kala yimaado nabadoonka iyo suldaanka beesha uu ka dhashay”.
In xildhibaanada baarlamaanka lagu sii qanciyo dawlada iman doonta ayaa ah muhiim, maadaama xukuumadda cusub ay u baahan tahay kalsoonida baarlamaanka si ay u shaqeyso, waana taas sababta kalliftay in madaxtooyada hadba habeen casumaad u sameyso xildhibaanada magaca qabiilka ku jooga baarlamaanka si koox koox loogu sii qanciyo inaysan xukuumadda cusub ku hor istaagin baarlamaanka.
Maxa kala socotaa kulanki adkaa ee kadhacay Madaxtooyada Soomaaliya ?
Ilo wareedyada ku sugan xarunta madaxtooyada dalka (Villa Soomaaliya) ayaa ku waramaya in xalay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu la kulmay xildhibaanadao ka soo jeeda beelaha Daarood.