"War Farxad Leh" Somalidi Lagu boobay Hantidooda Konfurta Suudaan oo tirakoob lagu hayo (Dhagayso)

0
Thursday January 09, 2014 - 12:29:19 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1306
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "War Farxad Leh" Somalidi Lagu boobay Hantidooda Konfurta Suudaan oo tirakoob lagu hayo (Dhagayso)

    Safaaradda Soomaaliya ee dalka K/Sudan ayaa dadaal ugu jirta diiwaan gelinta qeybta Sadexaad ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dib loogu soo celinaya dalkooda hooyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safaaradda Soomaaliya ee dalka K/Sudan ayaa dadaal ugu jirta diiwaan gelinta qeybta Sadexaad ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dib loogu soo celinaya dalkooda hooyo. Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka K/Sudan mudane C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari oo la hadlay Radio Muqdisho isagoo ku sugan xarunta safaaradda ee Jubba ayaa sheegay iney si habsami leh u socoto diwaan gelinta qeybta Sadexaad ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan dalkaasi, isagoo xusay iney mudnaanta siinayaan dadka jilicsan sida dumarka iyo caruurta.

Sidoo kale Danjire Diinaari ayaa tilmaamay iney dadaal ugu jiraan diiwaan gelinta hantida laga dhacay dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi, wuxuuna intaasi raacayay in 40 gaadiid ah oo laga dhacay muwaadiniin Soomaaliyeed uu kala hadlay guddoomiyaha gobolka Bantu oo ah halka lagu qaatay gaadiidkaasi.

"Waxaa socda diiwaangelinta hantida laga dhacay Soomaalida kuwaas oo isugu jira gaadiid iyo badeeco kale, kadibna waxaan kala hadli doona Qaramada Midoobay iyo dowlada K/Sudan, gudoomiyaha gobolka Bantu wuxuu i sheegay inu hayo 40 gaadiid ah oo laga dhacay dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri Danjire Diinaari.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa xil weyn iska saaratay soo daad gureynta muwaadiniinta Soomaaliyeeed ee ku go’doonsanaa dalka K/Sudan, iyadoo Laba qeybood oo ka mid ah dadkaasi la soo gaarsiiyay Muqdisho, halka diiwaan gelinta qeybta Sadexaadna ay hadda ka socoto xarunta Safaaradda ee magaalada Jubba.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip