Xanta Hoose ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyartoyada

0
Thursday January 09, 2014 - 14:18:31 in Sports by Web Admin
  • Visits: 1754
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xanta Hoose ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyartoyada

    Maalintii 9aad ayuu furan yahay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha Janaayo, waxaana weli socota xan badan oo la xiriirta ciyaartoyda la doonayo iyo kuwa diirada u saaran kooxaha Ingariiska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalintii 9aad ayuu furan yahay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha Janaayo, waxaana weli socota xan badan oo la xiriirta ciyaartoyda la doonayo iyo kuwa diirada u saaran kooxaha Ingariiska. Hadaba maanta waxaan idiin soo uruurinay wararka xanta ee ugu waa weyn ee ay wargeysyada Ingariiska qoreen. Xuquuqda wararkaan waxaa iska leh wargeysyada ku hor qoran laacib.net mas’uul kama ahan sugnaanshahooda.

Juventus ayaa dooneysa xiddiga Spurs Erik Lamela kaasoo lix bilood kaliya jooga London ka dib markii uu ugu soo wareegay heshiis rikoor u ahaa oo gaaraya 30 milyan ginni, waxaana Juventus ay ku dooneysaa lacag iyo Mirko Vucinic oo isla socda. (Daily Mirror)

Hull ayaa diyaar u ah inay la soo wareegto weeraryahanka West Brom Shane Long ka dib markii la isku raacay heshiis 5 milyan ginni ah. (Daily Mirror)

Wilfried Zaha ayaa si aad ah ugu baahan inuu amaah uga tago Manchester United bishaan. Cardiff City ayaana ugu cadcad inay hesho. (Daily Mirror)

Heshiiskii uu weeraryahanka Tottenham Jermain Defoe ugu wareegi lahaa kooxda Toron FC ayaa u muuqda mid dhacaya ka dib markii kooxda ay Youtube soo geliso muuqaal ay ku sheegayanayaan inay sameeyeen saxiix weyn. (Daily Mail)

Manchester United ayaa rajeyneysa inay Claudio Marchisio ka soo qaadato Juventus iyagoo ku dalbanaya 20 milyan ginni laakiin xiddiga Talyaaniga ayaa doonaya inuu sii joogo kooxdii uu ku soo barbaaray. (Daily Express)

Labada kooxood ee Arsenal iyo Liverpool ayaa u dhaqaaqaya daafaca Anderlecht Cheikhou Kouyate, iyadoo wakiilkiisa uu sheegay in 24 jirkaan uu wadahadal kula jiro labada kooxood. (Daily Star)

Arsenal ayaa lagu xiray inay bixiso 2 milyan euro ama 1.7 milyan ginni si ay amaah ugu qaataan weeraryahanka Real Madrid Alvaro Morata. (Daily Mail)

Inkastoo ay xiiseyneyso kooxda ay Wales ku xafiiltamaan ee Cardiff City, Michael Laudrup ayaa kalsooni ku qaba in xiddiga Blackpool Tom Ince inuu keeni doono Swansea. (The Guardian).

Weeraryahanka 17 jirka ee Barcelona Antonio Sanabria oo ay xiiseyneysay Arsenal ayaa shaaca ka qaaday inuu ku dhow yahay inuu ku biiro Roma. (Sky Sports)

Daafaca reer Holland ee kooxda Celtic 22 jirka Virgil van Dijk ayaa sheegay inuu la dhacay xiisaha Arsenal iyo Manchester City balse uu ku faraxsan yahay kooxda heysata horyaalka Scotland. (Daily Express)

Madaxweynaha Lille Michel Seydoux ayaa uga digay kooxaha Premier League xiisahooda weeraryahanka reer Ivory Coast Salomon Kalou kaasoo 28 sanno jir ah, isagoo sheegay in dalab ah 71 milyan ginni ama 87 milyan euro laga yaabo inay ka fiirsadaan. (Daily Star)

Kooxda Fulham ayaan wax dalab rasmi ah ka gudbinin daafaca Manchester City Joleon Lescott. 31 jirkaan ayaa sidoo kala lala xiriirinayay West Ham iyo kooxda Turkiga Besiktas. (Sky Sports)

Laacib.net
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip