Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray Dhismaha Villa Hargeysa oo ah xafiisyada ay ku shaqeynayaan Gudoonka Baarlamaanka iyo Guddiyada Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayadoo dhanka kalena Gudoomiyaha Baarlamaanka uu xarigga ka jaray Masjid weyn oo dhismihiisa isla xaruntaasi laga hirgeliyey.
Munaasabadda lagu furayey xarunta Villa Hargeysa oo dib u dhis ballaaran
lagu sameeyey ayaa waxaa kasoo qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,Gudoomiyaha Golaha
Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,Gudoomiye ku xigeenka
Koobaad ee Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar,Gudoomiye ku
xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad,
Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Mudane C/weli Sheekh Axmed,Xildhibaannada
Baarlamaanka intooda badan, Sii hayeyaasha Golaha Wasiirrada
qaarkood,safiirrada dalalka Caalamka u fadhiya Soomaaliya iyo marti
sharaf kale oo ka socotay dalalka iyo Hay’adaha taageera Soomaaliya
waxaana Madaxweynaha uu kormeeray dhammanba xafiisyada xaruntani.
Gudoomiye
ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo
khudbad ka jeediyey furitaanka Munaasabadda ayaa xusay inuu aad ugu
faraxsanyahay in maanta si rasmi ah loo furo xafiisyo ay ku shaqeeyaan
Gudoonka iyo Guddiyada Baarlamaanka waxaana uu tilmaamay in talaabada
tan ku xigta ay noqon doonto in la hirgeliyo dhismaha Xarunta
Baarlamaanka Umadda Soomaaliyeed si Baarlamaanka soo socda ee bedeli
doona Golaha Shacabka hada jiro uu u helo xarun uu ku shaqeeyo.
Gudoomiyaha
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan
Jawaari oo isaguna khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa ugu horeyn u
mahad celiyey boqortooyada Norway oo iyadu hirgelisay dhismaha
Xafiisyadan iyo hay’adda QM u qaabilsan hormarinta ee UNDP oo iyaduna
qalabeysay xafiisyada Villa Hargeysa,sidoo kalena waxa uu xusay
Gudoomiyaha Golaha Shacabka iney jiraan ganacsato Soomaaliyeed oo iyagu
hirgelinta dhismahan gacan ka geystay kuwaasi oo ay ugu horeyso Rugta
Ganacsiga Soomaaliya,kaalmada iyo ballan qaadyada ay dalalka caalamka u
sameeyaan Soomaaliya ayuu ku booriyey iney ka dhabeeyaan ballan
qaadkooda waxaana uu mahad celin kal iyo laab ah u jeediyey Jaalleyaasha
iyo howlwadeennada Golaha Shacabka .
Gudoomiyaha Golaha Shacabka
Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa khudbaddiisa kusoo hadal
qaaday marxalada siyaasadeed ee uu dalku marayo waxaana uu xusay in
dhowaan ay Baarlamaanku ansixiyeen Ra’isulwasaaraha Xukuumadda
islamarkaana la dhowrayo hada ansixinta iyo dhaarinta Golaha Wasiirrada
cusub,lagana doonayo in laga wada shaqeeyo sidii dalkan lagu
gaarsiinlahaa sanadka 2016 marxalad ay dadweynuhu wax ku dooran karaan.
Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo
isaguna khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa ugu horeyn u mahad celiyey
Gudoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaana uu
xusay in tallaabadan lagu hirgeliyey dhismaha xafiisyada Gudoonka iyo
Gudiyada Baarlamaanka ay tahay mid fududeyneysa shaqooyinka la doonayo
in la qabto.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale ka
hadlay marxalada siyaasadeed ee uu dalku marayo gaar ahaanna
magacaabista Golaha Wasiirrada oo ah mid si aad ah ay u dhoorayaan
Xildhibaannada Golaha Shacabka isagoo uga mahad celiyey dulqaadka ay
muujiyeen waxaana uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda xusay in
Ra’isulwasaaraha Xukuumadda uu arintaasi dadaal dheer ku bixiyey
islamarkaana dhowaan ay soo gebageboobi doonto,Baarlamaankana uu ka
rajeynayo inuu fududeyn doono.
Markii ay munaasabadaasi soo
gebagebowday kadib Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu xarigga ka jaray Masjid weyn oo
dhismihiisa laga hirgeliyey xarunta Villa Hargeysa ayadoo talaabadan ay
qeyb ka tahay istiraatiijiyadda hormarineed ee uu Gudoonka Baarlamaanka u
dejiyey howlaha Golaha Shacabka.
Fiiro Gaar Ah, Hadii
aad Mobile Kadaawaneyso Sawirada
Riix Halkaan
Madaxweynaha Oo Xarigga Ka Jaray dhismo loogu magac daray Villa Hargeysa"SAWIRRO"
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray Dhismaha Villa Hargeysa oo ah xafiisyada ay ku shaqeynayaan Gudoonka Baarlamaanka iyo Guddiyada Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayadoo dhanka ka