Banaadir oo Hakisay Hankii Heegan, hogaankana u qabatay Horyaalka + Sawirro

0
Friday January 10, 2014 - 13:28:59 in Sports by Web Admin
  • Visits: 2401
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Banaadir oo Hakisay Hankii Heegan, hogaankana u qabatay Horyaalka + Sawirro

    Somaali baan ahay, waxaan ka sii ahay Islaam, taasina mahadeeda waxaa iska leh Ilaaheey Subxaanuhu wa-tacaalaa ee Jinsiyaddeyda Soomaali ka yeelay, kolleybase waan filayaa in ruuxna Jinsiyadda uu yahay marnaba aysan baab'eyn walow aad maqasho ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaali baan ahay, waxaan ka sii ahay Islaam, taasina mahadeeda waxaa iska leh Ilaaheey Subxaanuhu wa-tacaalaa ee Jinsiyaddeyda Soomaali ka yeelay, kolleybase waan filayaa in ruuxna Jinsiyadda uu yahay marnaba aysan baab'eyn walow aad maqasho mararka qaarkood hebel oo haysta Jinsiyadda dal fulaan asalkiisi horesae ahaa Somali ama dal kale, waxayna murti hore u tiri "waa loo Dhashaa Waddani' ee la iskama dhigo waddani.

Goolka dahabiga ah ee ay guusha ku haleeshay Kooxda Banaadir waxaa u dhaliyay kabtankooda Daadir Amiin Cali waxaana goolkaasi uu ka yimid laadka xorta ah, daqiiqadii 43-aad ee cayaarta qeybteedii hore oo kusoo idlaatay 1-0 ay ku hogaamineysay Banaadir Sports Club.

Cayaartan ayaa lagu tilmaamay inay ka mid ahayd cayaarihii ugu xamaasada badnaa tan iyo intii horyaalku dib u furmay 1-dii bishan, maadaama Heegan ay ku dadaaleysay inay hogaanka sii dheereysato halka wiilasha Banaadirna ay ka go’neyd inay guul keenaan si hogaanka ay ula wareegaan tasoo ay xaqiijiyeen maanta.

Daqiiqadihii hore ee qeybta labaad ee cayaarta ayaa labada dhinac waxaa ay isku qaadeen weeraro is daba joog ah iyadoo Heegan ay ku dadaaleysay inay goolkka iskasoo gudo halka Banaadir ay iyana ku dadaaleysay inay u labeyso.

Daqiiqadii 88-aad ee qeybta dambe ee cayaarta ayaa garsoorihii cayaarta dhex dhexaadinayay waxaa uu rigoore ku abaal mariyay cayaaryahan Jibriil Xasan Maxamed (Fariid) kadib markii qalad lagu galay hase ahaatee fursadaasi oo loo heystay gool ayuu lumiyay cayaaryahan Jibriil.

Tani waxaa ay kooxda Heegan u ahaan lahayd fursad dahabi ah waase hadii ay goolkaas dhalin lahaayeen, balse nasiib xummo fursadaasi kama aanay faa’iideysan waxaana taasi ay keentay in taageeayaashii Heegan ay si hal haleel ah garoonka uga baxaan markii ay xaqiiqsadeen in jibriil uu beer dareeyay fursadii ay goolka isagasoo gudi lahaayeen.

Daqiiqadaha cayaarta oo sii dhamaanayay ayaa kooxda Banaadir ay dadaal dheeri ah ku bixisay si ay u difaacato goolkeeda kana hor tagto inay weeraryahanada Heegan soo gaaraan, waxaana ugu dambeyntii 90-kii daqiiqadood ee cayaarta loogu tala galay ay kusoo idlaatay 1-0 ay guushu ku raacday Banaadir Sports Club oo u daabaal dagtay qabashada Hogaanka oo ay ku heyso 10 dhibcood halka Heegan ay leedahay 9 dhibcood, waxaana kaalinta 3-aad ku jirta Elman oo horyaalka difaaaneysa lehna 6 dhibcood.

Sida ku cad jadwalka tartanka barri oo Jimco ah waxaa is arki doona Naadiga Elman oo horyaalka difaacanaya iyo Savana FC oo ku jirta kaalinta ugu hooseysa marka la eego kala horeynta horyaalka.

Sabti iyo Axad ma jiraan wax cayaaro ah waxaana maamulka xiriirku uu ugu talagalay in dadweynaha Soomaaliyeed ee jecel kubada cagta ay helaaan fursad ay ku daawan karaan cayaaraha kale ee caalamka oo inta badan la cayaaro Sabtida iyo Axada.
Banadir vs Heegan (1) Banadir vs Heegan (2) Banadir vs Heegan (3) Banadir vs Heegan (4) Banadir vs Heegan (5) Banadir vs Heegan (6) Banadir vs Heegan (7) Banadir vs Heegan (8) Banadir vs Heegan (9) Banadir vs Heegan (10) Banadir vs Heegan (11) Banadir vs Heegan (12) Banadir vs Heegan (13) Banadir vs Heegan (14) Banadir vs Heegan (15) Banadir vs Heegan (16) Banadir vs Heegan (17) Banadir vs Heegan (18) Banadir vs Heegan (19) Banadir vs Heegan (20) Banadir vs Heegan (21) Banadir vs Heegan (22) Banadir vs Heegan (23) Banadir vs Heegan (24) Banadir vs Heegan (25) Banadir vs Heegan (26) Banadir vs Heegan (27) Banadir vs Heegan (28) Banadir vs Heegan (29) Banadir vs Heegan (30) Banadir vs Heegan (31) Banadir vs Heegan (32) Banadir vs Heegan (33) Banadir vs Heegan (34) Banadir vs Heegan (35) Banadir vs Heegan (36)

Somali Football Federation Media Department
Email:somalifootballmedia@gmail.com


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip