Gaas oo Beri Xilka la wareegayo iyo Bililiqo laga cabsi qabo hay'adaha maamulka

0
Sunday January 12, 2014 - 10:18:55 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1214
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaas oo Beri Xilka la wareegayo iyo Bililiqo laga cabsi qabo hay'adaha maamulka

    Tan iyo intii Madaxweyne Farroole lagaga guulaystay doorashadii Madaxtinimo ee baarlamaaniga ahayd, waxa soo baxaya ifafaale muujinaya in taageeryaashiisu ay aad uga xumaadeen, iyagoo illaa hadda inta la hubo ku dhaqaaqay in ay bililiqaysteen xarumah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan iyo intii Madaxweyne Farroole lagaga guulaystay doorashadii Madaxtinimo ee baarlamaaniga ahayd, waxa soo baxaya ifafaale muujinaya in taageeryaashiisu ay aad uga xumaadeen, iyagoo illaa hadda inta la hubo ku dhaqaaqay in ay bililiqaysteen xarumaha Madaxtooyadda ee Boosaaso iyo Garowe. Madaxweyne C/wali Gaas ayaa ka hadlay ficilada la xidhiidha boobka Hantida Dawladda ee ay aku dhaqaaqeen taageerayaashii farroole, hase
yeeshee waxa wali jira dareeno muujinaya in ay jiraan cabsi ka balaadhanhanti boob, taasoo xataa laga shakisan yahay iska hor imaadyo
qorshaysani in ay dhacaan.

Wararkii ugu danbeeyey eePuntland ayaa sheegaya marxalada kala guurka ah ee ka jirta Puntland in ay sababtay in nidaamka maamul ee u muuqdo mid aan wali saldhigin maadaama an wali xil wareejin la samaynin, waxaanay u muuqataa xarunta madaxtooyaddu meel haawanaysa.

Madaxweynaha iyo maamulka cusub ayaa u muuqda kuwo samaystay ilaalo difaacda illaa iyo inta ay xilka la wareegayaan, maadaama aanay isku
halayn karayn wakhtigan ciidamaddii la shaqayn jiray Farroole.

Xafladda Xil wareejinta ee ay labada Madaxweyne xilka ku kala tirsanayaan ayaa loo balansan yahay Berri oo Isniin ah.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip