Soomaalida Kunool Wadanka Switzerland oo siweyn udhigay Mowliidka Nabiga (NNKH), "Daawo Sawiro".

1
Monday January 13, 2014 - 18:42:46 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 4601
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 3 0
  • Share via Social Media

    Soomaalida Kunool Wadanka Switzerland oo siweyn udhigay Mowliidka Nabiga (NNKH), "Daawo Sawiro".

    Munaasabad balaaran oo loogu dabaal degayay Dhalashada Nabigeeni Maxamed NNKH ayaa lagu Qabtay magaalada Zurich ee wadanka Switzerland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabad balaaran oo loogu dabaal degayay Dhalashada Nabigeeni Maxamed NNKH ayaa lagu Qabtay magaalada Zurich ee wadanka Switzerland. Munaasabadaan oo aheed mid ee si weyn uga soo qeybgaleen Soomaalida kunool wadanka Switzerland hadii ee ahaan laheed Culimada, Aqoonyahanada, Dhalinyarada iyo haweynka.

Ugu Horeyn waxa xaflada Aayado Quraan ah kufuray, Mucalim Muxamad muxsin isagoo soo qaatay aayado aad umacaan oo dhamaan kuwada qushuuceen dadki kasoo qeybgalay.

Dhanka Qasaa’idka waxa kufuray, Fadiilatu Sheekh Daa.uud Xaaji Muxumed Nuur isagoo sheekha meesha ka aqriyay Qasaa’ido macaan badan oo ruxday qalbiyadi dadki kasoo qeybgalay .

Munaasabadaan Qiimaha badan ayaa waxa xiriiriye ka ahaa Sh Musdaf Khaliif isagoo siweyn usoo qorsheeyay qaabka iyo jadwalka howlaha xaflada usoconayaan .

Waxa Intaa kadib waxa si toos ah ubilowday Muxaadarooyinka waxana bilaabay Sheekh Abuukar Tooxow oo kasheekeeyay dhalashada Xabiibkeeni Maxamed (NNKH).

Sidoo kale Macalin Nuur Macalin Carabey aya isna waxa uu ka hadlay mowduuc aadka uweyn ciwaankiisu ahaa Sifaadka Nabiga (CSW) oo macalinka si weyn ufaaqiday mowduucaas.

Dhanka kale Faa.iidada Saliga Nabiga (NNKH), kahadlay Sh: Axmad Duuri oo isagana dhankiisa si waafi ah udeeqsiiyay dadki kasoo qeybgalay xaflada mowduucaan .

Maxabada Nabiga ama Jaceylka Rasuulkeeni Maxamed (CSW) ayaa waxa kahadlay, Sh Yaxye.

Sidoo kale waxa munaasabada lagu aqriyay Qasaa’ido aad ufara badan kuwaasi oo aqrintooda ee kaqeyb qaateen , Macalin Abukar Macalin Carabay. Shariifka. Macalin Cali Zakariye iyo culima kale oo fara badan .

Sidoo kale howlka ee ka dhaceysay Munaasabada ayaa waxa Nashiido aad umacaan badan kaqaaday taasi oo saameen kuyeelatay quluubti dadki kasoo qeybgalay, Ardayda Madrasada khulafaa.uraashidiin.

Fiiro Gaar Ah, Hadii aad Mobile Kadaawaneyso Sawirada
Riix Halkaan



Filim Qaadayaasha Xaflada
ustaad abukar macalin abshirow.
Iyo ismaaciil cumar cilmi.

Qaban Qaabada iyo adeega
Macalin cumar faaruuq,
Macalin maxamad macsaro,
Macalin cabdala ciise cabdi aadan iyo
Yusuf macalin cabdi.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip