Masjidu Saxaaba "12th street" oo lagu qabtay Xaflada Dhalashada Nabiga (NNKH) "Daawo Sawiro"

0
Tuesday January 14, 2014 - 21:14:35 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2682
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masjidu Saxaaba "12th street" oo lagu qabtay Xaflada Dhalashada Nabiga (NNKH) "Daawo Sawiro"

    Maaliniti shalay oo Isniin aheed kubeegneed 12-ka bisha Mowliid oo ah maalinti uu ifka yimid Nabi Maxamed (NNKH) ayaa waxa xaflad weyn lagu qabtay Masjidu Saxaaba (12th Street) ee magaalada Nairobi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maaliniti shalay oo Isniin aheed kubeegneed 12-ka bisha Mowliid oo ah maalinti uu ifka yimid Nabi Maxamed (NNKH) ayaa waxa xaflad weyn lagu qabtay Masjidu Saxaaba (12th Street) ee magaalada Nairobi. Culuma’udiin isugu jiro Masha’iqda ugu waa weyn wadanka Kenya iyo Ahlubeyt, Mudarasiin, Aqoonyahano, Dhalinyaro iyo Haweyn ayaa waxey soo camireen Masjidu Saxaaba oo maalinti shalay ee kadhacday munaasabad aad ubalaaran.

Munaasabadaani ayaa ugu horeyn waxa culimadi kasoo qeybgashay xaflada aqriyeen Kitaabka Mowliidka iyadoo intaa kadibna la bilaabay Muxaadarooyin aad uqiimo badan oo ee jeediyeen qaar kamid ah mashaa’iqdi kasoo qeybgashay Siyaarada Rasuulka (CSW).

Munaasabada ayaa waxa daadihinayay culimadana uqeybinayay Cod baahiyaha Shariif Cabdulaahi iyadoo sidoo kale culimadi meesha ka hadashay ee kamid ahaayeen, Sheekh Cabdicasiis, Sheekh Saalax, Sheekh Cabduqaadir Xaashi (Baajuuri) iyo Sheekh Cabdulaahi Cali Aadan .

Dadweynihi kasoo qeygalay ayaa sidegan waxey udhageysanayeen muxaadarooyinka taariikhiga ahaa iyadoo meesha ee ku kulmeen culimada loogu kalsoonida badan yahay ee wadanka Kenya.

Fiiro Gaar Ah, Hadii aad Mobile Kadaawaneyso Sawirada
Riix Halkaan



Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip