Madaxweynaha oo la su'aalay, Khaatumo, Xeendaabka Damjadiid, iyo Qatarta Safaaradaha dhisanayo Xeebaha Somaliya.

0
Monday January 20, 2014 - 23:20:25 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1567
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo la su'aalay, Khaatumo, Xeendaabka Damjadiid, iyo Qatarta Safaaradaha dhisanayo Xeebaha Somaliya.

    Banaamijka Dood Wadaag ee Universaln oo xiligaan si toos ah uga socdo magaalada Muqdisho uuna marti kuyahay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa la weydiiyay su'aalo aad xasaasi u ah .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Banaamijka Dood Wadaag ee Universaln oo xiligaan si toos ah uga socdo magaalada Muqdisho uuna marti kuyahay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa la weydiiyay su'aalo aad xasaasi u ah . Waxana dadka su’aalaha weydiiyay kamid ahaa Abwaan Guure, Abwaan Cabdi Shire, Jawaahir barqab iyo qaar kale oo fara badan iyadoo su’aalaha madaxweynaha la weydiiyay ee kamid aheyd.

"In Madaxweynaha kujiro xeendaab koox gaar ah leedahay”
"In Xaafadaha gaar ee Muqdisho aan madax dowlada deganeen ooba xataa gudoomiyayaashi degmada ee habeenki jiifan”
"In xaqa gabdhaha kulahaayeen xukuumadi hore ee kawaayeen xukuumada Cusub malaha dhaliisha lasheegay ayaa aheed labadi wasaarada ee gabdha "
"Magaalada Muqdisho wadooyin halbowle u ah oo xir xiran dadkuna xabsi dareemayaan”
"Khaatumo oo wili dowlada si rasmi ah u aqoonsan iyo iyadoo dowlada wasiir aan jirin beeshaas umagacawday”.

Madaxweynaha ayaa uga horeyn tilmaamay in sinaba eesan udiidi Karin ka dowlad ahaan waxa shacabka soomaaliyeed sameestaan gaar ahaan Khaatumo isagoo tilmaamay in sharciyada maamulada sameesnaayo ee dowladiisa hor marineeso, sidoo kalenay wasiirka loo magacabay beeshaasi uu yahay wasiirka ugu muhiimsan xukuumada uusan liidneen,

Dhanka Xeendaabka uu madaxweynaha kujiro ayuu madaxweynaha yiri mar walba madaxweyna kasta oo yimaado farta lagu fiiqaa iyadoo la dhaho bel buu gadaal umaray iyo koox laakin aniga waa run waxa xeendaabka dowladnimada igula jiro cid walba oo dowladnimada igal adhaxeyso gaar ahaan lataliyayaal oo nuuc walba ah waxasa rajeynaa in tuhunada mar walba madaxweyna kasta lagu eedeeyo aan aniga ugu dambeen doono.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in xaafadaha Muqdisho kuwa ee madaxda dowlada kuyartahay iney yihiin kuwa ugu amaanka badan oo cabsi kajirin balse nidaamka dowladnimo lagu baahin doono dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kaga jawaabay xuquuqda hablaha ee xukuumada isagoo qiray in labada wasiir ee xukuumadi hore kaga jiray hablaha iney ahaayeen kuwi guulaha muuqdo soo hoyay hadii ahaan leheed arimaha dibada oo sahashay aqoonsi caalami ah iyo wasaaradi kale iyadana horseeday kumanaan soomalai waxbarasho lacag la’aan helaan hasa yeeshe madaxweynaha waxa uu tilmaamay ineysan mas’uuliyadu aheen mid leeska joogayo oo uu yahay war wareeg sidaana sharaf ugu tahay madaxda.

Dhanka kale Madaxweynaha waxa uu tilmaamay in Goobaha safaaradaha dhisanayo eesan aheen meel rasmi ah oo dhamaan la qorsheynayo in safaaradaha oo idil leesugu geeyo meel gooni ah oo loo qorsheeyay.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip