Xaflad lagu waynaynayo Dhalashada Nabi Maxammed NNKH oo ka dhacday Magalada Den haag ee dalka Holland: (Daawo Sawiro)

0
Tuesday January 21, 2014 - 21:59:15 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2576
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaflad lagu waynaynayo Dhalashada Nabi Maxammed NNKH oo ka dhacday Magalada Den haag ee dalka Holland: (Daawo Sawiro)

    Munaasab ballaaran oo lagu xusayey laguna waynaynayey dhalashada nabiga NNKH ayaa wxaa ay ka dhacday magaalada Denhaag ee dalka Holland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasab ballaaran oo lagu xusayey laguna waynaynayey dhalashada nabiga NNKH ayaa wxaa ay ka dhacday magaalada Denhaag ee dalka Holland. Ayadoo ay dhamaan daafaha aduunka ay ka dhaceen munaasabdo sidaan oo kale ah oo lagu waynaynayo dhalasha mowliidka ayaa tii ugu danbaysay waxa ay ka qabsoontay dalka Holland.

Xafladaasi oo siwayn loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qeybgalay culumaaudiinka, aqoonyahanada, dhalinyarada, haweenka, waxgaradka iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulsho waynta soomaaliyeed ee dalkaan ku nool.
Markii ay munaasabadaasi bilaabmatay waxaa si talantaali ah u bilaabmay muxadarooyin diini, nabbi amaanno iyo waliba digriyo ay qaadayeen culumaaudiinkii halkaasi ka soo qeybgalay.

Muxaadarooyinka oo u badnaa siiradii nabigeenna NNKH, jaceelka nabiga NNKH, ayaa culumaaudiinkii ka soo qeybgalay waxaa ka mid ahaa shiikh Bashiir Cabdi Cali iyo shiikh Abiikar, Dr. Shiikh Abuubakar, Shiikh Sacid Cabduilaahi, shiikh Axmed Gaas, shiikh Maxamed Amiin. Sh. Maxamed Xuseen iyo culumaaudiin farabadan.

Culumaaudiinka ayaa waxa ay si wayn uga hadlayn fadliga ay leedahay maalintaan oo kale iyo waliba bsiha mowliid. Bishaan oo ah bishii nabigeenna NNKH ifka la keeney. Ayadoo ay tahay in si wayn loo qadariyo loona wayneeyo loogana sheekeeyo siiradii nabigeenna NNKH.

Waxaa xusid mudan in ay maanta u ahayd maalin farxadeed dhamaan bulsho waynta Soomalaiyeed ee dalkaan ku nool isla markaana ay farxada la wadagayaan dhamanaa umada Islaamka ee ku nool caalamka oo dhan.

Dhinaca kale waxaa munaasabado iyo waliba xaflado lagu waynaynayo nabiga SCW ey ka dhaceen magaalooyin kale oo dalka Holland ka tirsan ayadoo ay dadku iskugu hanbalyeynayeen dhalasha suubanhooda NNKH.


Waxaa xusid mudan in ay munasabadaani ay siwayn u soo qabanqabiyeen masuuliyiin ay kamid jihiin:

1. Shiikh Jowhar
2. Mudane Maxamed Muuse
3. Md Cabdiwali Axmed Diiriye
4. Maxamed Axmed(Fiyaad)
5. Abdihakiim Abdi Ismaaciil
6. Mudane Mahdi Maxamed

Isku soo wadaduuboo munasabadaasi oo aad u balaarneed socotaynay in kabadan 6 saacadood ayaa waxa ay ku soo dhamaatay jawi aad u wayn oo ay farxadi ku dheehantahay.

Ugu danbaytiina waxaa halkaasi shir gaara ku yeeshay guddigii qabanqaabada mowliidka nabiga NNKH ayagoo isla shirkaas uga dhawaaqay guddi ka kooban 3 xubnood oo soo diyaarindoonaa munaasabadaha iyo kulama diiniga ah soona odarasi doona.

Fiiro Gaar Ah, Hadii aad Mobile Kadaawaneyso Sawirada
Riix Halkaan


W/Q: Axmed Mahdi(Axmed Khadar)

Email: axmedmbc@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip