Ma run baa in Wariye C/raxman Ceynte laga masaafuriyay Hargeysa?

0
Tuesday January 21, 2014 - 21:32:53 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 3760
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Ma run baa in Wariye C/raxman Ceynte laga masaafuriyay Hargeysa?

    Cabdiraxmaan Caynte oo madax ka ah Machad la yidhaahdo Heritage institute oo fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho ayaa maanta laga mastaafuriyay magaalada Hargeysa, ka dib markii uu laba cisho ka waday magaalada Hargeysa siminaar uu u qabtay qaar ka m

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdiraxmaan Caynte oo madax ka ah Machad la yidhaahdo Heritage institute oo fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho ayaa maanta laga mastaafuriyay magaalada Hargeysa, ka dib markii uu laba cisho ka waday magaalada Hargeysa siminaar uu u qabtay qaar ka mid ah bulshada magaalada Hargeysa . Hotelka Ambassador Cabdiraxmaan Caynte ayaa waxa markii laga war helay in uu joogo magalada Hargeysa looga yeedhay xafiiska laanta Socdaalka ee magaalada Hargeysa halkaasi oo lagu wargeliyay in uu wadanka ka baxo sida ugu dhaqsaha badan leh waxa kale oo lagu armay in uu joojiyo howshii iyo siminaarkii uu ka waday Magaalada Hargeysa

lama garanaayo sababta keentay in Cabdiraxmaan laga saaro Somaliland hasa yeeshee waxa loo malaynayaa in laga raacay hadalo iyo weedho aanay jeclaysan shacabka somaliland oo uu warbaahinta u mariyo.

Cabdiraxmaan Caynte ayaa loo malaynayaa in lagu qoonsaday doodo uu ka galo warbaahinta oo uu kaga soo horjeedo Gooni isu taaga Somaliland taasi o shacabka Somaliland hada u aqoonsadeen nin cadaawad badan u haya, isaga oo warbaahinta hargeisa ka soo baxdaana inta badan aad u hadal hayeen maalmahan.



Jamaal Ibrahim Maxamd

Somaliweyn Media Center

mustaqbal7@gmail.com

002522-654405388 Mobile
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip