Mata oo Warcusub laga helay iyo Morinho oo furka tuurtay

0
Friday January 24, 2014 - 20:37:35 in Sports by Web Admin
  • Visits: 1588
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mata oo Warcusub laga helay iyo Morinho oo furka tuurtay

    Juan Mata ayaa baarista caafimaadka u maray naadiga Manchester United, waxaana la sheegay in wixii haatan kadambeeya uu diyaar u yahay inuu kooxda u safto kulankooda ay talaadada la leeyihiin kooxda Cardiff City.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Juan Mata ayaa baarista caafimaadka u maray naadiga Manchester United, waxaana la sheegay in wixii haatan kadambeeya uu diyaar u yahay inuu kooxda u safto kulankooda ay talaadada la leeyihiin kooxda Cardiff City. Jose Mourinho ayaa sheegay inuu ku khasbanaa inuu Juan Mata iibiyo, markii uu fursad ka helay United oo ay u soo bandhigtay 37 milyan oo
gini inuu ka faa’ideystay.

Mourinho ayaa qiray in Mata ay u rooneyd in la iibiyo maadaama uusan muddooyinkan ka qeyb qaadaneynin cayaaraha kooxda. "Fursad wanaagsan
ayay u ahayd in koox weyn oo dalka Ingiriiska ka dhisan ay dooneysay.”

Mourinho ayaa dhinaca kale iska difaacay eedeymaha uga imanaya inuu Mata ka iibiyay koox uu xifaaltan kala dhexeeyo oo ah Manchester United,
isagoo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yiri "Qofna ma celin karin. Taageerayaasha Chelsea ma waxay ku faraxsanaan lahaayeen haddaan

cayaaryahan weyn ka horistaagno inuu tago oo aan dhahno waxaad naga tagi kartaa haddaad aadeyso Ruushka, Shiinaha, Faransiiska ama Bortaqiiska?
Ma u maleynayo in arrintaasi ay ku farxi lahaayeen taageerayaasha Chelsea” ayuu isku difaacay Mourinho oo intaasi raaciyay inuu aaminsan
yahay in Mata uu u qalmo in la ixtiraamo oo uu faraxsanaado, uuna ka cayaaro meesha uu doonayo.

Source: Goolfm
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip