Dowladda Netharland oo degenaasho siinaysa Qaxootiga Soomaalida Dib danbana loo celin doonin

0
Friday January 24, 2014 - 20:37:39 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1989
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Netharland oo degenaasho siinaysa Qaxootiga Soomaalida Dib danbana loo celin doonin

    Dowladda Netharlands ayaa sheegtay maanta oo Jimco ah in wax ka badashay hannaanka ay ku qaaabisho Soomaalida magangalyada ka raadsata dalkeeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Netharlands ayaa sheegtay maanta oo Jimco ah in wax ka badashay hannaanka ay ku qaaabisho Soomaalida magangalyada ka raadsata dalkeeda. Xoghayaha cadaallada iyo amniga Netharlands Fred Teeven oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in wax laga badalay siyaasadihii dowladda ee ku aadanaa arrimaha dadka magangalyo doonka ah ee inta badan soo gala dalkaas, gaar ahaan Soomaalida.

Sarkaalkan ayaa tilmaamay in ay jiraan dad Soomaaliyeed oo Netherlands u soo cararay si ay naftooda uga badbaadiyaan kooxaha argagaxisada ah sida Al-shabaab.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in dowladdooda ay u ogoolaan doonto deggenaasho ay ku joogi karaan dalka gudihiisa isla markaana wixii hadda ka dambeeya aan la celin doonin.

Hadalka ka soo yeeray Xoghayaha cadaallada iyo amniga Netharlands, ayaa fursad u siin doona Soomaali badan oo ku noolaa dalkaas kuwaasoo ka walwalsanaa in dib loogu celiyo waddanka Soomaaliya maadama ay sharci daro ku soo galeen dalkaas.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip