Booliska Sweden oo xabsiga dhigay waalidiin Muslim ah caruurtiina ka qaatay

0
Saturday January 25, 2014 - 12:23:04 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2697
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Sweden oo xabsiga dhigay waalidiin Muslim ah caruurtiina ka qaatay

    Booliska Sweden ayaa xabsiga dhigay qoys u dhashay wadanka Malaysia oo haysta baasaboor diplomaasi ah. Hooyada iyo aabaha ayaa lagu eedeeyay in ay caruurtooda ku garaaceen in ay salaada tukadaan. Booliska ayaa reerkaan xabsiga u taxaabay iyagoo caruu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska Sweden ayaa xabsiga dhigay qoys u dhashay wadanka Malaysia oo haysta baasaboor diplomaasi ah. Hooyada iyo aabaha ayaa lagu eedeeyay in ay caruurtooda ku garaaceen in ay salaada tukadaan. Booliska ayaa reerkaan xabsiga u taxaabay iyagoo caruurtooda ay la wareegtay dowlada. Haddii maxkamad la soo taago ayay macquul tahay in 10 sano oo xabsi ah lagu xukumo. Hooyada iyo aabaha oo haysta baasaboorka diplomaasiga ayaa sida caadiga ah xaq u leh in aan dambi lagu soo oogi karin balse booliska Sweden ayaa sheegay in labadaan qof ay haystaan baasaboorka balse aysan u diiwaan gashanayn diplomaasi ahaan. Caruurtooda mid ka mid ah ayaa la sheegay in uu iskuuulka u sheegay in lagu garaaco salaada tuggo.

Dowlada Malaysia ayaa hada ku hawlan sidii loo sii dayn lahaa qoyskaan isla markaana caruurtooda loogu soo celin lahaa. Wadanka Malaysia ayaysan sharci daro ka ahayn in caruurta gacanta loo qaado balse Sweden ayay sharci daro ka tahay in caruurta la dilo. Ma ahan markii ugu horeysay ee waalidiin Muslim ah caruurta laga qaato. Horay ayaa waalidiin badan oo Soomaali ah xabsiga la dhigay caruurtiina laga qaatay.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip