Tacsi R.Wasaarihii hore ee JFS Cabdi Faarax Shirdoon "Saacid" oo shacabka Soomaaliyeed uga taciyeeyey Geerida R.W. C/risaaq X. Xuseen‏

0
Sunday February 02, 2014 - 00:03:41 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2241
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tacsi R.Wasaarihii hore ee JFS Cabdi Faarax Shirdoon "Saacid" oo shacabka Soomaaliyeed uga taciyeeyey Geerida R.W. C/risaaq X. Xuseen‏

    R. Wasaarihii hore ee JFS Md. Cabdi Faarax Shirdoon "Saacid" oo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida R.wasaare C/risaaq Xaaji Xuseen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

R. Wasaarihii hore ee JFS Md. Cabdi Faarax Shirdoon "Saacid" oo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida R.wasaare C/risaaq Xaaji Xuseen
Innaa lillaahi wa inaa illaahi raaajicuun

Raysal Wasaarihii hore ee xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon "Saacid” ayaa ummadda Soomaaliyeed la qeybsaday murugada geerida naxdinta leh ee ku timid Ra’iisul Wasaarihii hore ee dawladdii Rayidka aheyd Allaha u naxariistee Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo xalay ku geeriyooday dalka Mareykanka.

Raysal Wasaare Saacid ayaa yiri "Runtii aad baan uga naxay geerida C/risaaq Xaaji Xuseen, wuxuuna ahaa halyey Qaran, waxaana tacsi u dirayaa qoyskiisii, Qaraabadiisii iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Mudane Cabdi Faarax Shirdoon "Saacid”.

"Geerida R/W Cabdirisaaq waxaa ummadda Soomaaliyeed ku weyday geesi hal adag oo xorriyad doonkii iyo waqtigii dawladnimada-ba si micno leh ugu soo shaqeeyey Qaranka Soomaaliyeed” ayuu yiri Raysal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon.

Innaa Lillaahi wa inaa illaahi raaajicuun
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip