Suldaan Aweys oo kaqeybgalay Xaflad lagu taageerayay Madaxweynaha Cusub ee Puntland.

0
Sunday February 02, 2014 - 10:19:19 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2651
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suldaan Aweys oo kaqeybgalay Xaflad lagu taageerayay Madaxweynaha Cusub ee Puntland.

    Suldaan Aweys Suldaan Maxamud, "Suldaanka Beesha Celli Cumar", ayaa magaalada Brisbane ee wadanka Australia kaga qeybgalay Xaflad ee soo abaabuleen jaaliyada reer puntland taasi oo lagu taageerayay Madaxweynaha cusub ee maamul goboleedka Pu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suldaan Aweys Suldaan Maxamud, "Suldaanka Beesha Celli Cumar", ayaa magaalada Brisbane ee wadanka Australia kaga qeybgalay Xaflad ee soo abaabuleen jaaliyada reer puntland taasi oo lagu taageerayay Madaxweynaha cusub ee maamul goboleedka Puntland Cabdiwili Maxamed Cali (Gaas). Suldaanka oo kamid ahaa waxgaradki lagu marti qaaday kulanka ayaa waxa uu jeediyay Qudbad taariikhi ah taasi oo suldaanka ku bogaadiyay Bulshada reer Puntland ,nidaamka Dimuqraadiga ah oo ay sameesteen.

"Doorashadi Xurta aheed ee kadhacday Puntland waa guul taariikhi ah oo usoo hoyatay shacabka reer Puntland iyo guud ahaan Umada Soomaaliyeed”, ayuu yiri suldaan Aweys Suldaan Maxamuud oo dhanka kale tilmaamay iney tani tahay talaabo kudayasho mudan.

Suldaan Aweys Suldaan Maxamuud ayaa sidoo kale ugu baaqay Umada Soomaaliyeed meel kasta ee joogaan iney usara istaagaan taageerida nabada iyo dibu dhiska dalkooda Soomaaliyeed.

Suldaanka ayaa sidoo kale sheegay in hadii ay yihiin salaadiinta Soomaaliyeed ee ka go’antahay iney joogteeyaan kaqeybgalka goob walba ee ku kulansan yihiin shacbi Soomaaliyeed kuwaasi oo taageerayo umadooda , wuxuuna sidoo kale suldaanka sheegay inuu sii wadi doono wacyi galinta iyo taageerida shacabka Soomaaliyeed.


Riix Halkaan Si aad Sawirada ugu Daawato Mobileka


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip