Xulka Ciyaaraha Barafka ee Soomaalida ahaa oo sidiiran loogu soo dhaweeyay Sweden

0
Tuesday February 04, 2014 - 10:19:07 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1691
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xulka Ciyaaraha Barafka ee Soomaalida ahaa oo sidiiran loogu soo dhaweeyay Sweden

    Dad gaaraya 400 qof oo isugu jira Soomaali iyo Swedishka ayaa si weyn u soo dhaweeyay ciyaartoyda kooxda Bandy Somalia ee hada ka soo laabtay wadanka Ruushka. Xaflad weyn oo lagu qabtay bartamaha Borlänge ayaa waxaa ka soo qeyb galay dad badan o

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dad gaaraya 400 qof oo isugu jira Soomaali iyo Swedishka ayaa si weyn u soo dhaweeyay ciyaartoyda kooxda Bandy Somalia ee hada ka soo laabtay wadanka Ruushka. Xaflad weyn oo lagu qabtay bartamaha Borlänge ayaa waxaa ka soo qeyb galay dad badan oo ruxayay calanka Soomaalia. Waxaa sidoo kale koobta xaadir ku ahaa duqa magaalada BorlängeJan Bohman iyo Swedish badan. Duqa magaalada ayaa sheegay in Kamuunka ay Soomaalida ku taageereen 50,000kr balse ay ka helaan dacaayad aad u wanaagsan caalamka oo dhan oo aysan lacagtaas u goyseen.

Xaflada ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay labada nin ee caanka ah eeFilip Hammar iyo Fredrik Wikingsson kuwaasoo Sweden si weyn looga yaqaano. Labadaan nin ayaa dhowr bilood la socday kooxda Somalia iyagoo ka diyaarinaya filim la soo bandhigi doono maalina qaranka Sweden.

Ciyaartoyda ayaa farxad iyo reyn reyn ka muuqatay iyagoo sheegay in xitaa wadanka Ruushka si weyn loogu soo dhaweeyay oo halkaas ay ka noqdeen kooxda ugu caansan.

somalia-bandy

Somaliska

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip