Fin Doobka oo Xal Dabiici ah loo helay (Sawiro)

0
Wednesday February 05, 2014 - 08:11:35 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 19414
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 6
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Fin Doobka oo Xal Dabiici ah loo helay (Sawiro)

    Arinta findoobka ( finanka wajiga ka soo baxa) dhilinyaro badan ayey dhibaato ku haysaa, wiil iyo gabar, sidaa darteed ayaan rabaa inaan ka hadlo mawduucan anoo ka soo akhriyey dhakhtaro ku takhasusay maqaarka, waxaanan idiin sheegi doonaa xalka ay s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arinta findoobka ( finanka wajiga ka soo baxa) dhilinyaro badan ayey dhibaato ku haysaa, wiil iyo gabar, sidaa darteed ayaan rabaa inaan ka hadlo mawduucan anoo ka soo akhriyey dhakhtaro ku takhasusay maqaarka, waxaanan idiin sheegi doonaa xalka ay sheegeen dhakhtaradu.

 

Marka ay qaangaarayaan dhalinyaradu nooc ka mid ah hoormoonadooda jirku waxay bixiyaan wax u sababaya inayfinan kasoo baxaan. Wuxuuna ku dhacaa kuwa qaan gaaraya kaliya. Dadka waawayn waxaa u sababa dhaxal ay ka dhaxleen waalidkood. Dumarka waxaa u sababa, hormoonaadkooda isbadalka ku dhacaya markasta. hadaba sidaasi darteed halkan waxan idinku soo diyaariyaya hab dabiici ah oo aad ku daweeyn karto insha’alah:

isku mil sedex macalqad ama qaando ah oo sokorta madow ama sugar buni iyo qaando malab

 

 

mari guud ahaan wajiga mudo 15 daqiiqo ah marki uu qalao wajiga kaga dhaq biyo qabow

caleenta geedka talalka

calinta cagaaran ee talaalka oo ah mid si aad ah ugu wanaagsan la hor taga finanka iyo daweeyntooda, sidoo kale waxey aad ugu wanaagsan tahay haaraha, waxaana ka buuxa maadoyin ka hortaga caabuqa ay sababaan bakteriyada, waxeyna ka dhigtaa harga qofka mid jilicsan oo qabow.

waxaa tuntaa ama aad shiidaa caleenta geed talaalka adigoo isticmaali kara mid qoyan iyo tan qalalan, balse halkan waxan ku isticmaali donaa caleen qalalan.

isticmaal 1 qaando mugeed oo caleenta cagaaran ee talaalka ah

  • ku dar ¼ qaando oo huruud ah iyo caano ceeyriin ama budada caanaha booraha ah, si fiican isugu qas isku darka, hurudo waxey ka mid tahay waxyabaha dabiiciga ah ee ka hortaga finanka yar yar ee wajiga kasoo yaaca.

.

mari wajiga oo dhan mudo 20 daqiiqo ah kadibna kaga meeyr biyo diiran..

. baradhada

 

Baradhada waxa ay aad ugu wanaagsan tahay nuugusta saliida badan mar hadii uu yahay haragaaga mid saliid badana waxa uu u nugul yahay in ay kasoo baxaan finan ama nabro badan oo uu sababay bakteeriya ka dhalata qoyaankaas, sidoo kale baradhada waxa ay la dagalantaa haaraha iyo mad madoobaadka indhaha hoostaada joogteynteedana waxa ka heli doontaa natiijo wax ku ool ah.

  • waxaad aad jar jartaa baradhada adigoo shiidi kara kadibna biyaheeda aad mari dhamaan wajiga, sidoo kale cadad baradho ah ayd ku dul nabi kartaa ama saari kartaa meelaha mad madoegu uu ku jiro wuuna kaa baabi’in donaa insha’alah.

 

Qorfo

 

Qorfaha waxa uu ka hortagaa finanka isagoo la dagaalama bakyeeriyada sababta nabrahaasi wuxuuna wajiga ka dhigaa mid caafimaad iyo dhalaal badan leh.

  • shiid xogaa qorfo ah adigoo ka dhigaaya budo.

     

  • ku dar qaado ama macalqad malab ah iyo xogaa bur ah.

  • mari isku darka wajigaada mudo 15 daqiiqo ah kadibna ka meeyro.


Kufiirso Sawirada By Mobile




Xikmo


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip