Imisa jeer ayay Real iyo Barca isku arkeen Finaka Copa del Rey (Taariikh)

0
Thursday February 13, 2014 - 13:31:49 in Sports by
  • Visits: 4064
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Imisa jeer ayay Real iyo Barca isku arkeen Finaka Copa del Rey (Taariikh)

    Kadib bar bar dhicii Real Sociedad ee xalay Barcelona ayaa 3-1 isku cel celis ahaan ku soo gaartay final-ka Copa del Rey waxaana ay wajihi doonaan Real Madrid.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib bar bar dhicii Real Sociedad ee xalay Barcelona ayaa 3-1 isku cel celis ahaan ku soo gaartay final-ka Copa del Rey waxaana ay wajihi doonaan Real Madrid.

Waxaa ay noqon doontaa markii 7 aad oo ay taariiqda isku arkaan final-ka koobkan kaas oo lagu wado in uu dhaco bartamaha bisha April.

Kooxda tababare Carlo Ancelotti ayaa noqotay kooxdii ugu horeysay abid ee gaarta final-ka Copa del Rey iyadoo aan wax gool ah laga dhalin dhamaan kulamadii ay ciyaartay koobkaas.

Labadaan koox ayaa markii ugu horeysay ku kulmay final-kan koobkan sanadkii 1936-dii, bil ka hor dagaalkii sokeeyo ee Spain.

Lix jeer oo ay labadaan koox isku arkeen final-ka koobkan ayaa sadex jeer waxaa adkaatay Barcelona halka sadex jeerna ay badisay Real Madrid.

Markii ugu dambeysay waxa ay aheyd 2011 waxaana 1-0 ku badisay Real Madrid waxaana goolka qura u dhaliyay Ronaldo waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta.

Waatan natiijada 6-dii kulan ee labadan koox isku arkeen final-ka Copa del Rey

Natiijada Garoonka Sanadka
RM 2-1 FCB Mestalla 1936
FCB 1-0 RM Bernabeu 1968
RM 4-0 FCB Calderon 1974
FCB 2-1 RM Romareda 1983
FCB 2-0 RM Mestalla 1990
RM 1-0 FCB Mestalla 2011

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip