Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbadaa Hoose ayaa waxaa ka socda Shirar aan kala go,lahayn kuwaas oo loga tashanayo dhamaystirka Maamulka Jubba.
Mid ka mid ah Shirarki ugu weyna waxaa uu dhacay xalay waxaana uu ka dhacay Madaxtooyada Kismaayo kaas oo ay ka soo qayb galeen Masuliyinta Maamulka Jubba iyo wali qaar ka mid ah Mucaaradka Maamulka Jubba.
Qodobka ugu weyn ee Maalmahaan miska saarnaa ayaa waxaa uu ahaa shaqsigi lo magacaabi lahaaGudomiyaha Dagmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada Kismaayo ee xarunta u ah Maamulka Jubba.
Sida Warbaahinta Kismaayo24 ay la wadageen Masuliyiin ka tirsan Maamulka Jubba waxaa wareegi ugu danbeyay ee cid lo magacaabayo Mayarka Kismaayo iskugu soo haray labo masuul oo la kala yirahdo Cabdi Barre iyo Nuur Kadiye Yarow waxana ay intaasi ku dareen in lo badinayo Jagadaasi in lo boqroCabdi Barre oo asagu gacan ka helaya Madaxweyne kuxigeen Jubbaland Gen Cabdilahi Sh Ismaciil Fartaag iyo inta badan masuliyiinta Maamulka Jubba.
Masulka lo saadalinayo in u noqdo Duqa Magaalada Kismaayo ayaa horay u ahaa Xildhibaan ka soo galay Barlamanka Somalia dhanka Dagmada Kismaayo beel ahaana waxaa uu ka soo jeeda Beesha Marexaan oo ayadu ka mid ah beelaha sida weyn u dagan Magaalada Kismaayo.
Qaybta Hoose ka daawo Muqaalka Shaqsiga lo badinayo in u noqdo Gudomiyaha Dagmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada Kismaayo.

Source Kismaayo24
XOG: Duqa Cusub ee Magaalada Kismaayo oo maalmo ka dib lagu dhawaaqayo +Sawir
Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbadaa Hoose ayaa waxaa ka socda Shirar aan kala go,lahayn kuwaas oo loga tashanayo dhamaystirka Maamulka Jubba.