Loolanka Kulmiye iyo Wadani ku dhex maraya awooda Golaha oo banaanka soo dhigay fursado mugdi ku jiray

0
Saturday February 15, 2014 - 13:53:05 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1295
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Loolanka Kulmiye iyo Wadani ku dhex maraya awooda Golaha oo banaanka soo dhigay fursado mugdi ku jiray

    Xukuumadda iyo Kulmiye oo midoobay, Faysal Cali Waraabe oo dhoosha ka qoslaya iyo Wadani oo difaac galay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda iyo Kulmiye oo midoobay, Faysal Cali Waraabe oo dhoosha ka qoslaya iyo Wadani oo difaac galay




Loolanka Kulmiye iyo Wadani ku dhex maraya hanashada awooda xildhibaanada Golaweynaha Wakiiladda ayaa soo saaray dheeli siyaasadeed oo dhinacna raxeeyey dhinacna dhimay awoodiisii taasoo ka dhalatay hirdanka siyaasadeed ee markaliya qarxay kaasoo awal is huursanaan jiray.

Xisbiga Kulmiye iyo xukuumadda oo kala daadsanaantoodii sababtay in labadoodii Guddoomiye ku-xigeen cagaha hoostooda la galiyo ayaa mar kali ah ku hambaabiray halka lala marayo, waxaanay dhirbaaxooyina badan oo Wadani ku dhuftay aakhirkii sababeen gadoodka keenay in Mooshino qirin-qiir galiya Guddoomiye Cirro ay badka soo dhigaan, kuwaasoo mideeyey cududii ay Golaha ku lahaayeen oo ahayd tirada ugu badan ee Golaha.

Xukuumadda iyo Xisbiga kulmiye dhirbaaxo dabadeed waxay soo ururiyeen si kasta ha ku keenaane 57 mudane oo dhinacooda ah halka wararka qaar sheegayaan in ay lixdan kor u dhaafeen xaynta ay soo xer galiyeen, waxaana muuqata cudud ka badan tii ay hore u lahaayeen in ay heleen kadib markii Cirro u galay il-duuf siyaasadeed oo Kulmiye iyo xukuumaddiisu hore u sameeyeen, taasoo ahayd ta suurtogalisay in uu Golaha ku maamulo.

C/raxmaan Cirro iyo Xukuumadda ayaa in badan la isku xaman jiray in ay Heshiis ku ahaayeen wax badan oo Mucaaradku tabayeen, taasoo ahayd in Golaweynuhu cod aqlabiyad ah markasta ku ansixiyo codsi kasta oo xukuumadda uga yimaada sidii uu wasiirka Madaxtooyadduba ku faanay markii Cirro ka dhaliyey Goolka Xeer hoosaadka ee natiijadiisii ku foorarto Guddoomiye Cirro.

Mucaaradka aadka u saluugsanaa is-garabsiga Golaha iyo Xukuumadda waxa ka mid ahaa Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Feysal Cali Waraabe oo xubin midi ku ah Golaha Wakiiladda, kaasoo saaxiib dhaw ay hore u ahaan jireen Cirro balse khilaaf gaamuray oo ay dhawaan ka heshiiyeen dhex maray.

Guddoomiye Cirro iyo Faysal waxay heshiiskooda ku muujiyeen in Xukuumaddu sabab u ahayd hase yeeshee hadana labadoodaba wax dhex yaalay dareen kale oo aan suulin oo ahaa in ay kala dhawaystaan Xukuumadda dhinaceeda, fikirka caynkaas ahina waxa u dheereeyey Guddoomiye Cirro oo ay xukuumaddu ka lahayd danta uu Wasiir Xirsi ka dhawaajiyey ee ahayd in aanaya wax mucaaradad ahi kaga kicin dhinaca golaha Wakiiladda, maadaama Guddoomiyaha Golaah Guurtiduna gacanta ugu jiro.

Damaca Xukuuamadda Kulmiye waxa uu fogeeyey Guddoomiye Faysal oo dhawr jeer isku dayey in uu Cirro ka garbiyo gacan-saarkii uu la lahaa Xukuumadda, waxaanay gayaysiisay guul-daradaasi in uu laba jibaaro mucaaradadiisii isagoo weerar af iyo adinba ah ku qaaday talaabooyin kala duwanaa oo ay xukuumaddu ku jirtay ama dan siyaasadeed u arkaysay kuwaas oo ay ka mid ahaayeen wadahadalada Somaliya iyo Somaliland oo uu dhaleecayn badan ujeediyey, xukuumadda lafteeduna marar badan ku dhaliishay Faysal in uu xidhiidho hoose la sameeyey cadawga dalka.

Dadka kale ee wada socoshada Xukuumadda iyo Golaha wakiiladda ka soo horjeeday waxa ka mid ahaa mid ka mid ah labada Garab ee Xisbiga Kulmiye u kala jabnaa loolankan hortii kaasoo ahaa ka Guddoomiye Cirro galiyey Qunsurka uu madaxa kula jiro ee ah in labadii ku-xigeen banaanka uu dhigo iyo in uu Guddiyaddii Golaha ku taxo Wadani iyo Garabakaasi oo mucaaradad gaadahsiisan sida uu Faysal Sheegay in maamuus ka xayuubin ay Madaxweyne Siilaanyo la tiigsadaan.

Baraaruga Kulmiye ku baraarugay Maamuus ka xayuubinta illaa heer Madaxweyne gaadhsiisan ayaa la odhan karaa waxay keentay in Xukuumaddu Kulmiyihii ka falaagoobay gacanta ku soo dhigto isla markaana ku jeedsato Guddoomiye Cirro, taasoo illaa hada u muuqata in ay ku socoto xawli iyo xamaasad ka dhan ah Guddoomiye Cirro oo guulo isdaba joog ah isu cumaamaday balse aan Burkaba bahal ka dayin.

Gadoodka Kulmiye iyo xukuumaddiisa is xanbaarsani waxay fursad siisay Faysal Cali Waraabe in uu dhuumasho aan dhabarku muuqan ku weydaarto Cirro kadib markii uu ka dhex baxay dhaliilihii uu faraha kula jiray ee uu ku gani jiray Xukuumadda, isagoo taas bedelkeeda isu dhigay difaaca danaha Qaranka oo uu u arkay in uu kaga leg helayo Xukuumadda ku feegan dagaalka Cirro, waxaana Khudabdihiisa lagaga dhadhansanayaa inuu dhinac isaga leexiyey taageeradii Cirro uu u hayey dagaalka Golaha ka taagan ka hor.

Inkasta oo aan wali la saadaalin Karin dareenka Golaha ka taagan kala go’ iyo kala lulasho cirro iyo xukuumadda ah ka uu ku danbayn doono hadana waxa meesha ka muuqda in Kulmiye ku midoobay oo ay ka baxeen awoodihii is bar bar yaacayey ee cid kala xadaysa la la’aa iyo in faysal jujuubanayo fursad Cirro Lumiyey.

Waaheen
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip