Gudoomiyaha Gobolka Banaandir ahna duqa magaaladda muqdisho Maxamuud Axmed Nuur "Tarsan" ayaa maanta mar uu lahadlaye saxaafada waxa uu sheegay in loo baahan yahay qof walbo oo arko Al-shabaab in uu meeshiisa ku toogto oo aanan Maxkad lasoo saarin. Tarsan oo si careysan u hadlaya ayaa waxa uu ugu baaqday laamaha amaanka iyo ciidamadooda in ay dilaan meel kasto oo ay ku arkaan Al-shabaab islamarkaana aanan la horkeenin Maxkamad.
Gudoomiye Tarsan ayaa wuxuu sheegay in qof waliba oo Shabaab ah marka gacanta lagu dhigo
lagu dilayo meesha lagu qabto, balse aan la geyn doonin maxkamad si buu
yiri laaluush aysan ubixin ama maxkamada aysan ugadan.
Dhanka kale Gudoomiyaha ayaa dadweynaha Degmooyinka ku
wargeliyay inay magacyo u bixiyaan cidii ka tirsan Shabaab, marka ay
arkaan oo ay soo dirayaan taleefano, waxaana uu xusay in hadii ay arkaan
ay degmada taleefan u soo diraan, iyagoo adeegsanaya magacyo ka duwan
kuwa lagu yaqaano.
Sikastaba Muddooyinkaan dambe ayaa waxaa Magaaladda muqdisho ee Caamida Dalka Soomaaliya waxaa ka dhacaye qaraxyo isdaba joog ah iyo weerarro kuwaa ay masuuliyadoodu sheeganayeen Al-shabaab hase ahaatee maanta ayaa waxa uu Mudane Tarsan ku baaqay islamarkaana uu amray in shabaab meeshii lagu qabto aanan la dhaafin doonnin laguna dilaayo.
Tarsan: "Al-shabaab meeshii lagu arko halagu toogto, maxkamad maya"
Gudoomiyaha Gobolka Banaandir ahna duqa magaaladda muqdisho Maxamuud Axmed Nuur "Tarsan" ayaa maanta mar uu lahadlaye saxaafada waxa uu sheegay in loo baahan yahay qof walbo oo arko Al-shabaab in uu meeshiisa ku toogto oo aanan Maxkad lasoo