WhatsApp ayaa hadda iyo wixii ka danbeeya tartan la gelaaya barnaamijka Skype ee shirkadda Microsoft kaas oo loo isticmaalo wada hadalka Internetka la dhexmariyo, waxaana WhatsApp uu daaha ka qaadey aalad suurta gal kaaga dhigeysa in aad telefoon wacdo.
Hadda WhatsApp waxaa loo isticmaalaa in la diro fariin qoraal ah ama cod ah oo duuban, waxaase shirkaddu hadda soo wadaa in lagu daro wicitaanka telefonada, sida uu sheegay madaxa WhatsApp Jan Koum, maalintii shalay Carwadii Telefoonada gacanta ee ka dhacdey Barcelona.
Waxaa macquul ah in WhatsApp telefoonada laga waco ka hor xiliga Guga ee sanadkan 2014 (Maarso – Juun., Telefoonada lagu bilaabayo ayaa ah kuwa ku shaqeeya iOS sida Iphone-ka iyo kuwa Itsicmaala Android, kuwa kale ee Windows Phone ay ka mid yihiin ayaa la sheegayaa in ay gadaal ka imaan doonaan.
Shirkadda Facebook ayaa todobaadkii hore iibsatey WhatsApp waxaana a ay ku gadatey isku dar adduun dhan $19Bilyan. WhatsApp waxa uu hadda lee yahay 450 milyan oo isticmaalayaal ah adduunka oo dhan.
Khalid Yusuf
Dhawaan Waxaad Telefoon ka Wici Kartaa WhatsApp
WhatsApp ayaa hadda iyo wixii ka danbeeya tartan la gelaaya barnaamijka Skype ee shirkadda Microsoft kaas oo loo isticmaalo wada hadalka Internetka la dhexmariyo, waxaana WhatsApp uu daaha ka qaadey aalad suurta gal kaaga dhigeysa in aad telefoon wac