Waxaad ii sheegtaa hal Gabar oo kamid ah Gabdhaha aad intarnerka ka wada sheekaystaan oo aad hada hadii lagu yiraahdo Guurso aad guursanaysid?

0
Sunday December 20, 2015 - 02:44:48 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3120
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxaad ii sheegtaa hal Gabar oo kamid ah Gabdhaha aad intarnerka ka wada sheekaystaan oo aad hada hadii lagu yiraahdo Guurso aad guursanaysid?

    Orod soo qubayso 1/3 Wakhtigaagu waa Cimrigaaga il biriqsi kasta oo ku dhaafa waxaad kasii tagaysay Aduunyada waxaadna u socotaa Qabriga marka is waydii Wakhtigii muxuu kugu dhaafay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Orod soo qubayso 1/3 Wakhtigaagu waa Cimrigaaga il biriqsi kasta oo ku dhaafa waxaad kasii tagaysay Aduunyada waxaadna u socotaa Qabriga marka is waydii Wakhtigii muxuu kugu dhaafay.

Dhimashada iyo Dhaawaca uu intarnetku ugaystay Akhlaaqda iyo Sharafka cidna looga warami mayo laakiin waxaan rabnaa inaan is dul Taagno Sheekada ka dhaxaysa labo Qof (Lab iyo Dhadig) oo ajnabi kala ujeedkuna yahay is barasho.

Diinta Islaamka Alle waxaa uu usoo dajiyay inay Xume iyo wadooyinkiisa oo dhan ka hor tagto, Tusaale ahaan Dhilaysiga Alle waxaa uu yiri: "ha u dhawaanina" way kala duwan yihiin ha u dhawaan iyo ha samayn, ha u dhawaan waxay keensanaysaa meel ay kasoo carfaysaba inaadan is taagin.

Is barasho Ujeedkeedu yahay is guursi, oo ka dhacda Internet dhexdiis Culimadu waxay sheegeen inaysan banaanayn, maxaa yeelay Xiriir is barasho wax la yiraahdo oo islaamku uu sheegay ma jirto laakiin waxaa jira Xiriir guur.

Dadkii markii ay diintii ka fogaadeen ayaa waxaa ay ka dhaqan yeeshaan Gaalada dhaqankooda eek u salaysan Boy Friend iyo Girl Friend oo ah Dad si hoose iskaga shaqaysta hadhow markii wacal u dhashana kaniisadu isku xirto.

Taariikhda Islaamka kuma arag gabadhaas si aan u guursado Dabeecadeeda ayaan ogaanayaa oo waan shukaansanayaa, waxay ahayd in kor la iska arko Dad lasoo dirsado kadibna Qofkaasi hawsha dhameeyo ama Waalidka la isku diro iwm.

Hadii ay dani keento Qof lab ah iyo Qof Dhadig way wada hadli karaan laakiin isbarasho meesha kuma jirto.

Bal arinka Isbarashada laftiisa aan ka dhigno in uu Dan yahay waxaa laga maarmaan ah Wada hadal walba oo Lab iyo Dhadig ka dhexeeya in uusan gudbin soodimaha loo dhigay oo ay kamid yihiin:

Lasoco Qaybta 2aad

Orod soo qubayso 2/3

Wada hadal walba oo Lab iyo Dhadig ka dhexeeya in uusan gudbin soodimaha loo dhigay oo ay kamid yihiin:

1.Erayada la is ticmaalayo in la iska hagaajiyo oo aan la is ticmaalin kuwa keeni kara Shakiga ama Qofku uusan ka hor dhihi karin Dadka Ahlu diinka ah, Alle kor ahaaye waxaa uu yiri isaga oo dumarka Nabiga ee Dahirnaa la hadlaya: (Hadalka ha jilcinina (is dhuldhigid) oo markaas kii Qalbigiisu jiraana oo idin damco, ku hadli hadal la yaano (is jilcin aysan ku jirin) Suuratul Axzaab: 32.

Badanaa oo badanaa inta Sheekooyinka internet ka dhex dhacay ay keeneen fasahaad fara badan oo halkaasi Xishoodkii iyo Dhawrsoonaanta Hablaha lagu qawracay. Ilaahay uga toobad keen hadii aad waxaad ku dhaqaaqday, go'aanna gaar adiga oo is waydiinaya (Horta maxaad ajar ka helaysaa arintaas?).

2.Waxa laga hadlayo inaysan noqon wax Muslimiinta iyo Islaamka dhib ku ah, sida in Dad la xanto, Akhlaaqxumo laga sheekaysto, diinta wax duritaan ku ah iwm.

3.Waxa laga wada hadlayo inay yihiin wax Baahi ay keentay sida in Su'aal diini ah la is waydiinayo iwm.

4.Waxa laga sheekaysanayo inay yihiin wax Bulshada oo dhami ay ka qayb gali karto laakiin wax gaar ah oo umadda laga qarsanayo lama rabo in laga wada sheekaysto.

5.Waa in meesha aysan ku jirin Daalacashada waxyaabaha Alle uu xarimay sida inaad Naag ajnabi kaa ah ama nin ajnabi kaa ah aad Daawatid iwm.

Hadii Qofku uu Lamaane raadinayo yuusan ka raadin meelaha la isku khatalo ee Internetka, si toos ah ha u beegasado meesha uu Ujeedkiisa ka helayo.

Waxaa jira Dad afkooda ku guta wixii xubinka taranku gudan lahaa oo caadi ah kuwaasna hal su'aal baan waydiinayaa.

Falka aad suubinaysid ee cabirka iyo wararka ku aadan Qaabka iwm, waxaad kasoo qaadaa Alle hortiis inaad joogtid miisaankii uu yaalo, falkaas ma waxaad ka mid dhigi lahayd kuwa alle Jecel yahay mise kuwa uusan jeclayn. Hadii aad Qof Caqli leh oo xishoonaya tahay waxaad dhahaysaa kuwa uusan alle jeclayn hadaba wixii uusan alle jeclayn maxaa adiga faraha kuu galiyay ma janaad ku helaysaa.

Sideedaba Shaydaanku meelaha uu ka shaqaysto waxaa kamid ah internetka Alle waxaa uu naga reebay inaan raacno wadooyinka Shaydaanka, waxaana uu kusii daray in Qofka Shaydaanka wadooyinkiisa raaca uu farayo wax yaabaha foosha xun iyo xumaha.

Marka raali maku tahay sidii lax la hogaaminayo inaad Shaydaanka is daba gashid adiga oo og in Shaydaan uu sabab u ahaa Janada in nalaka kasoo saaro, uuna balan qaaday in uu na luminayo si aan wehel ugu noqono marka uu Naarta galayo.

Dhilaysigii wuu batay Noocyadii uu nabigu sheegayna waa wada xaadir.

Lasoco Qaybta 3aad

Orod soo qubayso 3/3

Nabiga Amaanta Alle iyo Nabad galyadiisu kor kiisa ha ahaatee waxaa uu yiri: indhuhu way sinaystaan sinadooduna waa araga (fara weynaa intaad filin foolxun ama Sawirka Jacaylkaaga aad daawatay adoo dhan walba ka eegaya, orod sinada kasoo qubayso), Dhaguhu way sinaystaan sinadooduna waa Maqalka ama Dhagaysiga (intee saacadood baad Jacaylkaaga kala sheekaystay Arima Sariirta, fara badanaa, orod sinada kasoo qubayso) , Carabkana sinadiisu waa Hadalka (orod Alle u toobad keen Akhlaaq xumadaad ku hadashay waad ka war qabtaaye) Gacantana Sinadeedu waa Qabashada (Alle maxaad meel taabatay ama tuujisay Orod Soo Qubayso) Lugtana Sinadeedu waa Socodka, Qalbigu waa hawoonayaa waana jeclaanayaa, arinkaas waa si dhab ah usoo af meeraya Xubinka taranka ama wuu beeninayaa.

Alla fara badanaa intaas sino ku dhacday Bal ila arag Wadada Jahama ee Shaydaanku kugu socod siinayo markaad Xiriir la samaynaysid Qof Ajnabi kaa ah: ugu horayn Sheeko caadi ah iskool magaalada Shaqada iwm, kadib kalsoonida ayaa sii kordhaydha, Qoyska ayaa la iska waraysanayaa, markaas baa arinku cirka isku shareerayaa ilaa arimaha Gaar ah la isla wadaago, xiliyad Farxada marka Murugada iyo xataa waxyaabo aan macno lahayn, mar xaladaas waa marxaladii Xaasnimada oo Qof walba Qofka kale wuu ku dagayaa kama maarmo, wuu ku kalsoon yahay Dareenkii la qaybsadaa.

Mana is qabaan waana is qabaan hadii la dhoho is guursadana wayba kala dhargeen allow arimaha sahal.

Ragga af miishaarada ah ee Akhlaaqda xun Dumarkana Akhlaaqda iyo Xishoodka ka dilaya ilaahow naga qabo, ilaahay dhagartooda ku celi, ilaahow adaan kaa magan galnay mid walba oo baadiyoobay kana mid ah Xerta iyo Adoomada shaydaanka.

Wixii aadan Hooyadaa iyo Walaashaa raali uga ahayn Raali ha uga noqon inay ku kacdo Caruurtaada Hooyadood, iyo Dadka kale Walaalohood.

Qaabka aad ula dhaqantid Gabdhaha aad wada xariirtaan bal kawaran hadii loola dhaqmo Hooyadaa Walaashaa Gabadhaada Xaaskaaga Eedadaa Habaryartaa iyo Dadka lamid ah, Dareenkaagu see buu ahaan lahaa Farxad intee eleg baad dareemi lahayd?

Dhamaad

Orod soo qubayso 3/3
Cabdiraxmaan Cabdinuur Cabdulaahi
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip