Real Madrid iyo Man United oo loolan adag ugu jira daafaca Bayern Munich

0
Saturday March 01, 2014 - 21:23:51 in Sports by
  • Visits: 2172
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Real Madrid iyo Man United oo loolan adag ugu jira daafaca Bayern Munich

    Kooxda ku ciyaarta gegeda Santiago Bernabeu Ee Real Madrid ayaa dooneysa inay dhigeda Manchester United ka dulqaado daafaca dambe Ee kooxda Bayern Munich u ciyaara Dante, kaa oo inbadan lala xiriiriyay inuu isaga tagi doono Allianz Arena, sida ay baa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda ku ciyaarta gegeda Santiago Bernabeu Ee Real Madrid ayaa dooneysa inay dhigeda Manchester United ka dulqaado daafaca dambe Ee kooxda Bayern Munich u ciyaara Dante, kaa oo inbadan lala xiriiriyay inuu isaga tagi doono Allianz Arena, sida ay baahisay Football Direct News.

30 jirkan heerka caalami Ee xulka Brazil ayaa ka mid ahaa daafacyada ay Bavarians ku xisaabtaman tan iyo markii uu 2012 kaga soo biiray Borussia Monchengladbach, waxan laacibkan lagu tirya xiddigaha uu Guaridola ahmiyad gooni ah siiyo uuna ka mid yahay qorshihisa xilli ciyaaredka soo socda.

Warar ka soo baxaya Spain ayaa sheegaya in xiddigan uu isaga tagi doono Bayern Munich marka uu dhamado xilli ciyaaredkan, iyadoo tababare Carlo Ancelotti uu durbaba u diyaar garoobay inuu la soo saxiixdo xiddigan balse wuxu tartan xoogan kala kulmi doona kooxda Manchester United oo xiddigan doondooneysa.

Si kastaba ha ahaatee, David Moyes ayaa qorsheynaya inuu xagaagan Bayer Munich ugu yaraan kala soo wareego midkooda Toni Kroos iyo Dante, wuxuna diirada kowaad saari doona Kroos balse hadii uu ku guul dareysto ayuu doonaya inuu u soo weecdo Dante.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip