Mareykanka oo markale si adag uga hadlay xaalada Soomaaliya

0
Friday April 23, 2021 - 20:19:33 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 729
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo markale si adag uga hadlay xaalada Soomaaliya

    Taliyaha ciidamada Maraykanka ee Afrika, Gen. Stephen Townsend, ayaa sheegay Al-Shabab in aysan ahayn walaaca ugu weyn ee hadda ka jira Soomaaliya, laakiin mushkiladu ay tahay siyaasad xumada ka dhex jirta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyo do

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha ciidamada Maraykanka ee Afrika, Gen. Stephen Townsend, ayaa sheegay Al-Shabab in aysan ahayn walaaca ugu weyn ee hadda ka jira Soomaaliya, laakiin mushkiladu ay tahay siyaasad xumada ka dhex jirta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka.


Gen. Stephen Townsend ayaa u sheegay golaha guurtida Maraykanka in muddo kororsiga sharci darrada ah ee barlamaanka Soomaaliya uu u sameeyay madaxweynaha, ay tahay caqabadda ugu weyn ee Soomaaliya xilligan ka taagan.

Taliyaha ciidamada AFRICOM ayaa sheegay in tallaabada muddo kordhinta ay si toos ah u wiiqayso horumarka laga sameeyay geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo dib-u-habeynta hay'adaha. Sidoo kalena ay khatar gelinayso taageerada caalamiga ah.

Dhinaca kale, qoraal maanta ka soo baxay xafiiska Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu taageeray go'aankii ka soo baxay Golaha Amniga Midowga Africa ee ka dhanka ahaa muddo kordhintii labada sano ee Baarlamaanka Soomaaliya uu u sameeyay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip