Mourinho Oo Go'aansaday Inuu Ka Aamuso Canal Plus Ka Dib Hadalkiisii Sirta Ahaa Ee Ay Baahiyeen.

0
Wednesday March 05, 2014 - 09:12:43 in Sports by
  • Visits: 3673
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mourinho Oo Go'aansaday Inuu Ka Aamuso Canal Plus Ka Dib Hadalkiisii Sirta Ahaa Ee Ay Baahiyeen.

    Macalin ka Chelsea Jose Mourinho ayaa weli ka careysan Tv-galagalee yahay dalka Faransiiska ee Canal+ madaama ay baahiyeen sheeko uu isaga ku lug lahaa waxaana uu go'aan ku gaaray inuusan la hadlin TV-ga shirarkiisa jaraa'id iyo ciyaaraha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Macalin ka Chelsea Jose Mourinho ayaa weli ka careysan Tv-galagalee yahay dalka Faransiiska ee Canal+ madaama ay baahiyeen sheeko uu isaga ku lug lahaa waxaana uu go'aan ku gaaray inuusan la hadlin TV-ga shirarkiisa jaraa'id iyo ciyaaraha Chelsea ka dib.

Canal+ ayaa duubtay Mourinho oo la sheegeysanaya madaxa shirkada Switzerland ee sameysa saacadaha Hublot. Isagoo aaminsanaa in meesha aysan oolin wax kaamiro ama rikoor ah Mourinho ayaa ka hadlay arimo muran dhaliyay isagoo weeraray gooldhaliyayaasha Chelsea islamarkaana su’aal geliyay da’da Samuel Eto’o.

Mourinho ayaa caadiyan wax ka badan wareysiyada uu siiyay Canal+ sameeya, madaama ay leeyihiin xuquuqda baahinta Premier League iyo Champions Legaue, laakiin taasi meesha waa ay ka bixi doontaa ugu yaraan xilli ciyaareedkan.

Chelsea ayaa ku wargelisay madaxda Premier League iyo Champions League in ciyaaryahan uu la hadli doono Canal+ ciyaaraha ka dib si ay u gutaan waajibaadkooda ka saaran inay TV-gaas la hadlaan, laakiin TV-ga ma arki doonaan Mourinho mustaqbalka dhow.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip